Baladweyne oo wajahaysa xiisad siyaasadeed iyo mid ciidan

|

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo hub urursi, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca shacabka ee ku saabsan xaaladda amni iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gobolka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Kaab TV ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay xaaladda magaalada, iyagoo ka hadlay dhaqdhaqaaqa ciidamada, xiisadda kala dhexeysa siyaasiyiinta gobolka iyo maamulka Hirshabeelle, iyo saameynta ay arrimahani ku yeelan karaan nabadgelyada shacabka.

Dadkaasi waxay walaac ka muujiyeen in khilaafka siyaasadeed uu horseedi karo isku dhac hubeysan, haddii aan xal laga gaarin tabashooyinka ay qabaan qaybaha bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ee la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in dadka deegaanka aysan dhaqdhaqaaqyada ka socda magaalada u arkin kuwo ay tahay in si fudud loogu tilmaamo maleeshiyaad, balse uu ku tilmaamay kacdoon ay sameeyeen dad ka cabanaya sida ay sheegeen hab-dhaqanka maamulka Hirshabeelle.

Qofkaasi wuxuu sheegay in shacabka iyo dadka deegaanka ay ka dhiidhinayaan tabashooyin siyaasadeed oo ay muddo ka qabeen maamulka Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo dowladda federaalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay doonayaan maamul ay iyagu taageersan yihiin, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hoggaan cusub oo ay u arkaan mid daacad u ah danaha gobolka.

Qofkaasi wuxuu intaas ku daray in shacabka Hiiraan aysan ku qanacsanayn xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la helo hannaan maamul oo wax ka qabta tabashooyinka deegaanka.

DHEERAAD:  Wasiir Fiqi iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Swan oo ku soo dhaweeyay Soomaaliya ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay DiCarlo.

Qof kale oo la hadlay Kaab TV ayaa si gaar ah uga hadlay ciidamada la sheegay inay ka soo baxayaan furimaha dagaalka, iyagoo ku soo qulqulaya magaalada Baladweyne.

Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidamada, gaadiidka dagaalka iyo hubka lagu arkayo gudaha magaalada ay abuureen cabsi laga qabo in xaaladda dalku gasho marxalad dagaal.

Qofkaasi wuxuu walaac ka muujiyey in ciidamada dowladda ee hore uga howlgeli jiray furimaha dagaalka ay ka baxaan goobihii ay ku sugnaayeen, kaddibna ay dib ugu soo laabtaan deegaannada ay ka soo jeedaan, taas oo uu sheegay inay dhaawici karto hawlgallada amniga.

Wuxuu sidoo kale dhaliilay hoggaanka dowladda federaalka, isaga oo sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ee jira ay saameyn ku yeesheen wadajirka hay’adaha dowladda iyo ciidamada qaranka.

Sida uu hadalkiisa u dhigay, waxaa khatar ah in tabashooyinka siyaasadeed iyo kuwa deegaan ay sababaan in ciidamada qaranka ay ku kala safnaadaan dhinacyo siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahaayeen ciidan mideysan oo ilaaliya amniga dalka.

Qofka saddexaad ee la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in muranka ka taagan Baladweyne uu salka ku hayo arrinta maamulka iyo cidda hoggaaminaysa gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in dhinacyada ku lugta leh khilaafka ay muhiimad gaar ah siinayaan in gobolka uu yeesho hoggaan iyo maamul ay dadkiisu taageersan yihiin.

Isagoo ka hadlayey hadallo hore oo uu jeediyey Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayuu sheegay in arrinta ugu weyn ee la isku hayo ay tahay maamulka gobolka iyo cidda hoggaaminaysa.

Wuxuu sidoo kale aragtidiisa ku cabbiray in dowladda federaalka ay door ku leedahay khilaafka, isagoo ka digay in haddii aan wada-hadal lagu xallin tabashooyinka jira ay xaaladdu sii xumaan karto.

DHEERAAD:  Qaramada Midoobay oo qaaday tallaabooyin muhiim ah oo ku aaddan sidii ay Soomaaliya ula wareegi lahayd ammaankeeda.

Hadallada dadka deegaanka ayaa muujinaya sida ay bulshada qaarkeed u aragto khilaafka siyaasadeed, inkastoo aysan khasab ahayn inay ka tarjumayaan aragtida dhammaan shacabka gobolka Hiiraan.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa imanaya kaddib markii ciidamada Macawiisleyda ay 30-kii Oktoobar la wareegeen qaybo ka mid ah xerada Lamagalaay, halkaas oo ay ku yaallaan xarumaha maamulka gobolka Hiiraan iyo xarumo ciidan.

Dhaqdhaqaaqyadaas ayaa sii kordhiyey walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed ee Hiiraan uu saameeyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, maadaama ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ay muddo wadajir uga howlgeli jireen furimaha dagaalka.

Dadka deegaanka ee la hadlay Kaab TV ayaa ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed, iyagoo ka digay in dagaal ka dhaca Baladweyne uu dhibaato weyn u geysan karo shacabka iyo ganacsiga magaalada.

Baladweyne ayaa ah magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla bartamaha Soomaaliya, waxaana muddooyinkii dambe ka taagnaa khilaaf la xiriira maamulka Hirshabeelle, magacaabista mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan iyo dalabaadka siyaasadeed ee qaybaha bulshada.

Xaaladda hadda jirta ayaa sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan mustaqbalka maamulka gobolka, wada-shaqeynta ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda, iyo sida loo ilaalin karo amniga deegaannada laga soo sheegay dhaqdhaqaaqyada ciidan.

Xaaladda Baladweyne waxay u baahan tahay dadaallo siyaasadeed iyo wada-hadal ay ka qayb qaataan dowladda federaalka, maamulka Hirshabeelle, siyaasiyiinta Hiiraan, odayaasha dhaqanka iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso.

Shacabka Baladweyne ayaa wajahaya hubanti la’aan amni, waxaana indhaha lagu hayaa in xiisadda siyaasadeed lagu soo afjaro wada-hadal ama ay sii kororto dhaqdhaqaaqa ciidamada ee magaalada iyo deegaannada gobolka Hiiraan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News