Madasha Samatabixinta oo guddi wadaxaajood u magacowday shirka dowladda iyo mucaaradka

|

Shirar kala duwan oo caawa magaalada Muqdisho uga socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu go’aamiyay in Madasha Samatabixinta ay ka hadasho qorshaha Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan shirka uu ku casuumay garabyada mucaaradka.

Madasha Samatabixinta ayaa soo dhoweysay in wada-hadal dhex maro dhinacyada Soomaalida, si xal looga gaaro xaaladaha siyaasadeed ee cakiran ee dalka.

Madashu waxay saddex xubnood u magacowday guddiga wadaxaajoodka ee la fariisanaya dhinaca dowladda ka hor 14-ka Nofeembar, si loo diyaariyo ajande ay dhammaan dhinacyadu ku qanci karaan.

Xubnaha loo magacaabay guddiga ayaa kala ah madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo labada xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdullaahi Carab.

Guddigan ayaa la filayaa inuu dowladda kala hadlo diyaarinta ajandaha shirka, si loo helo qodobbo ay dhinacyadu ka wada hadli karaan.

Madasha Samatabixinta ayaa sheegtay inay taageersan tahay in Soomaalidu wada-hadal ku xalliso khilaafaadka siyaasadeed ee jira. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Xasan Sheekh Maxamuud uu casuumaad u fidiyay garabyada mucaaradka, si ay uga qeyb galaan shir wadatashi oo la qorsheeyay inuu ka dhaco Muqdisho.

Waxaa weli la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ajandaha wada-hadalka iyo mowqifyada ay dhinacyadu ka qaadan doonaan qodobada la horgeynayo shirka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News