Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo si kama dambeys ah uga tagay xilkii taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya, kuna baaqay badbaadinta dalka

|

Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, oo ahaa taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sheegau inuu si kama dambeys ah uga tagay xilkii uu ka hayay Booliska, isagoo jeediyay hadallo culus oo uu kaga hadlay xaaladda dalka, tayada hoggaanka dowladda iyo waxa uu ku tilmaamay burburinta aqoontii iyo haybaddii qaranka.

Jeneraal Cabdalla ayaa hadalkiisa ku muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan habka loo maamulayo hay’adaha dowladda, gaar ahaan ciidamada amniga, isagoo dhaliilay sida uu sheegay in xilalka iyo darajooyinka qaarkood lagu bixiyo dad aan lahayn aqoon iyo tababar ku filan.

Wuxuu sheegay in aqoontii iyo haybaddii qaranka la dhaawacay, isagoo adeegsaday hadal dhaliil culus xambaarsan oo ku saabsan dad uu sheegay in darajooyin lagu taxay iyagoo aan weligood tegin xarun waxbarasho.

Jeneraalka ayaa sidoo kale ku baaqay in dalka laga badbaadiyo hoggaan uu ku tilmaamay mid aan dan ka lahayn mustaqbalka qaranka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay badbaado qaran.

Qodobka ugu weyn ee hadalka Jeneraal Cabdalla ayaa ahaa dhaliisha uu u jeediyay habka loo bixiyo darajooyinka iyo xilalka hay’adaha dowladda.

Wuxuu sheegay in aqoontii, kartidii iyo nidaamkii lagu dhisi lahaa hay’adaha qaranka la wiiqay, isagoo tusaale u soo qaatay dad uu ku eedeeyay in la siiyay darajooyin ciidan iyaga oo aan lahayn waxbarasho iyo tababar ku filan.

Hadalkaasi wuxuu si gaar ah u taabanayaa nidaamka dhismaha ciidamada, halkaas oo aqoonta, khibradda, anshaxa iyo kartida hoggaamineed ay muhiim u yihiin tayada hay’adaha amniga.

DHEERAAD:  Howlgalka atmis oo la soo gabagabeeynayo sanadkan.

Haddii eedeymaha uu soo jeediyay ay dhab noqdaan, waxay dhalinayaan su’aalo ku saabsan nidaamka dallacsiinta, isla xisaabtanka iyo cidda mas’uulka ka ah ilaalinta tayada ciidamada qaranka.

Jeneraal Cabdalla ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay baaq uu ku sheegay in dalka loo baahan yahay in laga badbaadiyo hoggaan uu ku tilmaamay mid dalka iyo hay’adihiisa dhaawacaya.

Ereyga badbaado qaran ee uu adeegsaday ayaa soo jiitay dareenka dadka la socda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, maadaama dalka uu wajahayo caqabado badan oo dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah ah.

Baaqiisa ayaa sidoo kale imanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo xooggan, dooddo ku saabsan mustaqbalka hoggaanka dalka iyo walaac laga qabo awoodda hay’adaha amniga ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga Soomaaliya.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa horey uga hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira amniga iyo siyaasadda Soomaaliya.

Bishii November 2026, wuxuu digniin ka soo saaray bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, isagoo sheegay in bixitaankoodu abuuri karo firaaq amni oo halis gelin kara Muqdisho iyo deegaannada ku dhow.

Wuxuu xilligaas sheegay in ciidamada Soomaaliyeed aysan weli si buuxda ugu diyaarsaneyn inay la wareegaan dhammaan mas’uuliyadda amniga ee ay ka tagayaan ciidamada shisheeye.

Sidoo kale, bishii July 2026 ayuu ka jawaabay eedeymo uu u jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, kaas oo ku eedeeyay inuu ku lug leeyahay abaabullo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo ka socda Shabeellaha Hoose.

Jeneraal Cabdalla ayaa xilligaas beeniyay eedeymaha loo jeediyay, isagoo sheegay inaysan waxba ka jirin.

Ka tegitaanka xilka taliye ku-xigeenka Booliska ee Jeneraal Cabdalla, haddii si rasmi ah loo xaqiijiyo, wuxuu noqon karaa dhacdo saameyn ku yeelata hoggaanka iyo maamulka hay’adda Booliska Soomaaliyeed.

DHEERAAD:  Madaale oo si deg deg ah loogu yeeray magaalada Dhuusamareeb

Jeneraalka wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee Booliska, waxaana xilkiisa uu la xiriiray hoggaaminta iyo maamulka howlaha ciidanka.

Ka bixitaanka sarkaal darajadan leh, gaar ahaan xilli ay taagan yihiin dooddo ku saabsan amniga, tayada ciidamada iyo siyaasadda dalka, wuxuu dhalin karaa su’aalo ku saabsan sababaha keenay go’aankiisa iyo waxa xigi doona.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in hadallada uu jeediyay ay yihiin dhaliilo culus oo loo baahan yahay in dowladda iyo hoggaanka Boolisku ka jawaabaan, haddii ay doonayaan in bulshada loo caddeeyo xaaladda dhabta ah ee hay’adaha amniga.

Waxaa hadda la sugayaa mowqifka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Booliska ee ku saabsan ka tegitaanka xilka Jeneraal Cabdalla iyo eedeymaha uu soo jeediyay.

May be an image of text

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News