Uganda oo dhex-dhexaadin ka bilaabaysa Soomaaliya, cadaadisna la saarayo Villa Soomaliya

|

Dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya laga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka ayaa u muuqda kuwo sii xoogeysanaya, iyadoo dowladda Uganda ay qorsheyneyso inay Muqdisho u soo dirto guddi qiimeeya xaaladda siyaasadeed ee dalka, kana dhageysta aragtiyaha madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dhinacyada kale ee siyaasadda.

Wararka uu helay Kaab TV ayaa sheegaya in wafdi ka socda dowladda Uganda uu dhammaadka toddobaadkan imaan doono Muqdisho, kaddibna uu safarro ku tagi doono caasimadaha dowlad-goboleedyada si uu u ururiyo fikradaha iyo mowqifyada dhinacyada kala duwan.

Dadaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaas oo la sheegay inay wada-hadallo la bilaabeen madaxda dowlad-goboleedyada, iyagoo kala hadlay arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, gaar ahaan sidii heshiis looga gaari lahaa hannaanka doorashooyinka.

Safarrada wafdiga ee caasimadaha dowlad-goboleedyada ayaa la filayaa inay qayb ka noqdaan dadaal lagu doonayo in la helo mowqif mideysan oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Dowladda Uganda ayaa muddo dheer xiriir dhow la lahayd Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo taageerada howlgalka Midowga Afrika. Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa sidoo kale xiriir siyaasadeed la leh madaxda dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha gobolka.

Waxaa la sheegay in Madaxweyne Museveni uu isaguna Muqdisho imaan doono, kaddib marka ay horay u socdaan wafdiyada qiimeynta iyo kulamada lala yeelanayo dhinacyada siyaasadda. Booqashadiisa ayaa la filayaa inay qayb ka noqoto dadaallada lagu doonayo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashooyinka.

DHEERAAD:  Tirinta Codka Somaliland Oo Si Habsami Leh Uga Socota Doorashada Madaxtinimada Somaliland.

Dhanka kale, Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa la sheegay inay bilaabeen wada-hadallo ay la yeelanayaan madaxda dowlad-goboleedyada, kuwaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka.

Dhaqdhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa muujinaya in dalalka saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya ay doonayaan in dhinacyada siyaasadda ay gaaraan is-afgarad ka hor inta aan la gaarin Janaayo 2027.

Walaaca ugu weyn ayaa ah in khilaafka siyaasadeed uu sii dheeraado, taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida dalka, howlaha dowladda iyo qorshayaasha amniga.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa muhiimad gaar ah siinaya in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay yeeshaan heshiis ku saabsan hannaanka doorashada, si looga fogaado xaalad siyaasadeed oo muran iyo is-mariwaa horseeda.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ay wajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed oo sii kordhaya, iyadoo la doonayo in heshiis doorasho la gaaro ka hor Janaayo 2027.

Sida ay sheegayaan xogaha uu helay Kaab TV, cadaadiska saaran dowladda ayaa la xiriira in heshiiska la doonayo uusan si buuxda ula jaanqaadi doonin qorshaha siyaasadeed ee Villa Somalia, isla markaana ay jiri karaan qodobo wax ka beddelaya damaceeda ku aaddan hannaanka doorashooyinka.

Arrintan ayaa la xiriirta muranka ka taagan qaabka loo qabanayo doorashooyinka, cidda maamulaysa hannaanka, muddada xilalka hay’adaha dowladda iyo doorka dowlad-goboleedyada.

Hase yeeshee, weli lama shaacin qodobbo rasmi ah oo muujinaya waxa heshiiska la soo jeedinayo ka koobnaan doono ama inta ay le’eg tahay tanaasulka laga doonayo dhinacyada siyaasadda.

Xogaha uu helay Kaab TV ayaa sidoo kale sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheyn karo inuu dib u qiimeeyo qaar ka mid ah saaxiibbadiisa siyaasadeed, xilli cadaadiska ku saabsan heshiiska doorashada uu sii kordhayo.

DHEERAAD:  Pakistan iyo Somalia oo ku baaqay xabad joojin deg deg ah oo laga sameeyo Gaza.

Wararkaasi waxay tilmaamayaan in Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu ka fogaado qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta safkiisa ku jira, kuwaas oo laga yaabo in lagu eedeeyo caqabadaha ka taagan miiska wada-hadallada.

Haddii arrintani dhacdo, waxay noqon kartaa isbeddel siyaasadeed oo muujinaya in Villa Somaliya ay raadineyso hab ay ku yareyso cadaadiska gudaha iyo dibadda.

Xogaha kala duwan ee uu helay Kaab TV ayaa sheegaya in Villa Somaliya ay aqbashay dhexgalka dowladda Uganda iyo dalalka kale ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, si loo helo waddo lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed.

Tallaabadan ayaa muhiim noqon karta, maadaama ay muujinayso in dowladda federaalka ay diyaar u tahay in dadaallada diblomaasiyadeed ee dibadda ay qayb ka noqdaan xalinta muranka doorashooyinka.

Qodob kale oo ku jira xogaha la helay ayaa ah in saraakiil sirdoon oo ka socda dalalka deriska ah ay door ku yeelan doonaan dadaallada lagu doonayo in heshiis siyaasadeed laga gaaro Soomaaliya.

Ka qaybgalka dhinacyada amniga ayaa muujin kara in dalalka gobolka ay walaac ka qabaan saameynta uu khilaafka siyaasadeed ku yeelan karo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Dadaallada socda ayaa si gaar ah diiradda u saaraya in heshiis siyaasadeed la gaaro ka hor Janaayo 2027. Waqtigaas ayaa loo arkaa mid muhiim u ah mustaqbalka hannaanka doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Haddii heshiis la gaari waayo, waxaa sii adkaan kara xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo khilaafaadka siyaasadeed ay saameyn ku yeelan karaan howlaha dowladda iyo qorshayaasha dalka.

Dhanka kale, heshiis ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin wuxuu fursad u abuuri karaa in la dejiyo khilaafaadka, la helo hannaan doorasho oo la isla oggol yahay, isla markaana la xoojiyo kalsoonida siyaasadeed.

DHEERAAD:  COP29: Codsi ka yimid Bulshooyinka Cimiladu Saamaysay ee Soomaaliya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News