Qoryooley oo hoobiyaal lagu garaacay, ciidamo Baraawe ka baxay oo miinooyin la kulmay iyo duqeyn Abiikarow ka dhacday

|

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa xaaladda amni ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan, duqeymo iyo howlgallo la xiriira dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Wararka laga helayo degmada Qoryooley ayaa sheegaya in wiil yar oo rayid ah uu dhaawac culus kasoo gaaray hoobiyaal ay ciidamada Uganda ku garaaceen degmada, gaar ahaan xaafadda Buulo-Sheekh.

Dhaawaca wiilka yar ayaa muujinaya halista ay shacabka ku nool deegaannada ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada milatari kala kulmayaan dagaallada iyo duqeymaha, iyadoo aan weli la helin faahfaahin dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee wiilkaasi.

Dhanka kale, xogaha laga helayo gobolka ayaa sheegaya in ciidamo kasoo baxay magaalada Baraawe ay weli ku jiraan waddada, iyagoo wajahaya caqabado amni oo la xiriira miinooyin dhulka loogu aasay.

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, ciidamadaasi ayaa la kulmaya miinooyin ay waddada ku aaseen dagaalyahannada Al-Shabaab, kuwaas oo qaarkood la sheegay in la qarxinayo inta ay ciidamada ku guda jiraan safarkooda.

Arrintan ayaa muujinaysa caqabadaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka Uganda kala kulmayaan dhaqdhaqaaqyada militari ee ka socda deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan waddooyinka ay kooxdu hore uga fulisay weerarro iyo qaraxyo.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in duqeyn dhanka cirka ah ay ka dhacday deegaanka Abiikarow oo hoostaga Shalambood, halkaas oo lagu tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi, mana jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya tirada dadka ku waxyeelloobay ama bartilmaameedkii sida gaarka ah loo weeraray.

DHEERAAD:  GEDO: Wasiirka Amniga Fartaag iyo Wafdi federaalka oo gaaray Garbahaarey

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli gobolka Shabeellaha Hoose uu yahay mid ka mid ah goobaha ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyada ugu badan ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli ka socda deegaanno kala duwan oo gobolka ah, iyadoo ciidamada ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inay ku sugaan waddooyinka muhiimka ah, kuna wiiqaan awoodda kooxda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News