Somaliland oo heshey hub casri ah, 60 boqolkiiba miisaaniyadda oo lagu bixinaayo difaaca – Wasiir hore

|

Sida uu xaqiijiyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-Cadde, dowladda Somaliland ayaa heshey hub casri ah oo ka sarreeya midka ay Turkida siiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo Somaliland haatan miisaniyadeeda 60% u wareejisay amniga iyo difaaca.

Somaliland ayaa muujineysa walaac ay ka qabto xiriirka Turkey iyo Soomaaliya.

Toddobaadkan labo diyaaradood oo ay la socdeen xubno militariga Turkey, oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho, soona maray dalka Jabuuti ayaa ka weecday hawada Somaliland, waxaana xoguhu sheegayaan in Turkida ay ka war heleen xogaha hubka cusub ee ay heshey Somaliland.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Turkey iyo Taliyaha Ciidanka Badda Turkey ayaa Axaddii tagay Muqdisho, iyaga oo dhagax dhigay talis ciidanka badda ee Turkey ay ka dhisanayaan Muqdisho.

Waxay sidoo kale Turkey Muqdisho ka dejiyeen diyaarad sidday illaa 300 xabo oo diyaaradaha bilaa duuliyaha “drones” nooca is-qarxiya Sabtidii 21 November, sida ay xaqiijiyeen ilo dhanka amniga oo Muqdisho ku sugan.

HUBKA SOMALILAND

Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Waran-Cadde ma sheegin tirada iyo dalka uu ka yimid hubka ay heshey Somaliland. Hase yeeshee wuxuu sheegay in hub ka badan, kana tayo sarreeya midka ay xukuumadda Xamar heshey uu ku jiro gacanta Somaliland.

“Ama buur ahaw, ama buur ku tiirsanaw. Maanta Somaliland baqo kama qabto mustacmaradda Turkey ee qabsaday Xamar, oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigaan boqortooyo Xasan Sheekh maamulo. Reer Somaliland waxay doonteen saaxiibo caalami ah,” ayuu yiri Wasiir Waran-Cadde oo xalay [Isniin] ka hadlay dood ka dhacday Barta X.

DHEERAAD:  Trump oo maxkamad lasoo taagayo 10ka bishaan

Waran-Cadde ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhuun-daloola arrimaha amniga ee Somaliland, waxaana uu ka mid yahay xubnaha kasoo qeyb qaatay halgankii gooni isu-taagga Somaliland.

Wuxuu ka hadlay xiriirka Israel iyo Somaliland iyo wararka sheegaya in Israel ay hub siisay Somaliland.

“Maanta markaan eego xulufada iyo axsaabta ay somaliland heshey wax weyn ayaa is bedelay,” ayuu sii raaciyay mar uu ka hadlay xiriirka Somaliland iyo Israel ka dib aqoonsigii Somaliland ee 26 December 2025.

“60% miisaaniyadda qaranka waxay gashaa difaaca inkasta oo ay sir tahay taasi,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

DIYAARINTA CIIDAN IYO TABABARO SOCDA

Waran-Cadde ayaa sheegay in Somaliland ay ku jirto diyaargarow haddii dagaal lagu soo qaado, isaga oo sheegay in Turkey iyo Soomaaliya ay halis ku yihiin ammaanka Somaliland.

Wuxuu sheegay in habeenkii Hargeysa laga maqlo dhawaqa hubka culus ee la tijaabinaayo, iyo ciidamo cusub oo ay Somaliland tababareyso.

Waran-Cadde ayaa sheegay in Somaliland ay u diyaargaroobeyso dagaal lagu soo qaado, inkasta oo uu sheegay inaysan Somaliland qabin wax baqo.

“Sunaha doweladnimada waa in la helo difaac adag , oo dadku ku seexdo inuu dalku yeesho, tiina maanta way suuragashay.  Hub ka sarreeya kan uu Turkey bixiyay maanta gacanteena ayuu ku jiraa. Maanta wax baqdin oo na haya ma jirto,” ayuu yiri mar la weydiiyay baaxadda difaaca iyo diyaargarowga Somaliland.

Toddobaadkan, waxaa isla arrinkaan ka hadlay Danjiraha Somaliland u jooga Israel, Dr. Maxamed Xaaji, oo sheegay in Somaliland ay wax ka baratay weeraro hore oo lagu soo qaaday, haatana ay ku jirto diyaargarow xooggan dhanka hubka iyo ciidanka.

Ilo wareedyo dhanka amniga oo Hargeysa ku sugan ayaa Kaab TV u sheegay in Somaliland ay si xawli ah ku diyaarineyso kumanaan ciidan iyadoo tababarro siineysa ciidankaasi.

DHEERAAD:  Ciidanka Booliska oo gacanta kusoo dhigay rag dhac ka geystay Magaalada Muqdisho

CEYRINTA XAFIISKA TURKEY EE HARGEYSA

Waran-Cadde oo ahaa sarkaal hore oo booliska ah, ahna khabiir dhanka sirdoonka iyo amniga ayaa sheegay inay tahay in Somaliland ay soo saarto amar lagu xiraayo xafiiska Turkey ee Hargeysa, lana ceyriyo diblomaasiyiinta Turkey ka joogta Hargeysa.

Wuxuu ku eedeeyay in xogo hore oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ay heshey ay muujinayeen in Turkey ay qaban-qaabinayeen inay si hoose ururiyaan wada hadallo dhexmara odayaasha dhaqanka Somaliland iyo kuwa Koonfurta Soomaaliya, taaso ay Somaliland ka hortagtay.

“Waxaan qabaa in safaaradda Turkey la xiro, oo nimanka la ceyriyo. Turkey Joogitaankiisa khasaare ayay ku tahay Somaliland. Maalin dhow way imanm doontaa iyagoo sidii xashiishka [qashinka] la daadiyay,” ayuu yiri wasiirka hore.

Dowladda Somaliland weli may qaadan go’aanka ceyrinta xafiiska Turkey ee Hargeysa.

Hadalka mas’uuiyiinta Somaliland ee ku aaddan diyaargarowga dagaal ayaa imaanaya xilli ay xiisado ka taagan yihiin gobollada Sool iyo Sanaag, halkaas oo la sheegay ciidamo hoostaga Dowladda Soomaaliya in laga ururinaayo.

Bishii hore, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka eedeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ciidan ku soo daadgureyneyso agagaarka Buuhoodle, halkaas oo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka dhiseyso taliska ciidanka Soomaaliya ee 26aad.

Gobolka Sanaag, waxay ilo dadka deegaanka sheegeen in saraakiil tababareysa maleeshiyaad gudaha ah ay dhowaan booqdeen deegaano ku dhow Laasqoray oo ay ku taallo deked saaran dhanka Badda Cas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News