SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo markale weerartay xero ey dagan-yihiin ciidanka ATMIS

|

Qoryooley (Kaab TV) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in xalay markale Al-Shabaab weerareen xero ciidanka ATMIS gaar ahaan Uganda ey kuleeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose.

Weerarkan oo kubilowday Hoobiyayaal ayaa Al-Shabaab waxa markale xalay kuqaadeen xerada ciidanka ATMIS ee degmada Qoryooley sidoo kale dagaalkan ayaa laisku adeegsan hubka noocayadiisa kala duwan xerada weerarka lagu qaaday ayaa waxaa kusugnaa cutubyo katirsan ciidanka Uganda oo ayagana iska caabin kala hortagay weerarka lagu soo qaaday xerada.

weerarkan ayaa waxa lasheegaya in ay Al-Shabaab u adeegsatay madaafiic ay kutuuren xerada ciidanka ATMIS ee degmada Qoryooley sidoo kale isla xalay ayey weerar kale oo rogaal celis ah ay kusoo qaadeen Al-Shabaab xerada ciidanka ATMIS sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Lama xaqiijin qasaaraha rasmiga ah ee kadhashay weerarkaas ay Al-Shabaab kuqaadeen xerada ciidanka ATMIS ey kuleeyihiin degmada Qoryooley.

Xaalada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelha hoose ayaa lagu soo waramayaa in maanta laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kawadaan ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey aheyd markii weerar qaraxyo kubilowday ay Al-Shabaab kuqaadeen xerada ciidanka ATMIS gaar-ahaan kuwa Uganda ey kuleeyihiin Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha hoose weerarkaas oo ay Al-Shabaab shegeen in ay kudileen 137 qof oo katirsan ciidanka ATMIS gaar-ahaan kuwa Uganda.

Hasayeeshee Al-Shabaab ayaa baryihii udambeeyay xooga saartay weerarada ay kuqaadaan xerooyinka ciidamada dowladda iyo kuwa howl-galka ATMIS.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News