SO | EN

SO | EN

Mucaaradka Soomaaliland oo diidan qorshaha madaxweyne Biixi

|

Hargeysa (Kaab TV)– Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland ayaa sicad udiidan qorshaha madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee doorashooyinka, kaasi oo ay diidan yihiin hoggaanka labada xisbi mucaarad.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa  sheegay in aanay suurta-gal ahayn in xilligaan doorashada ururada laga reebo  madaxtooyada, maadaama uu ku dooday inay sharciyad ku fadhin arrintaas.

“Somaliland adiga ayaa dabada haya hadii aynaan dhexdeena ka heshiinin oo aynaan wax ku heshiinin, waxad kaligaa wadi karto ma jirto dalkan baad khatar galinaysa,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID ayaa waxa uu sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Biixi ee uu ku fadhiyo kursiga u sareeya Somaliland.

“Horta doorasho ururo dhicimayso, ninka doorasho urur doonayow reerkiinu haduu kuu codeeyo yaa kale kuu codaynaya, suurtagalna ma aha, sharcina ma aha, adduunkana kama dhacdo” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashoodu in aysan gali doonin doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada, “Labada xisbi mucaarad iyo taageerayaashoodu go’aan ayay soo saareen ay leeyihiin doorasho aan ta madaxtooyada ahayn gali mayno.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Feysal Cali Waraabe.

Hasayeeshee, Waxa uu ka dalbaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu la kulmo hoggaanka mucaaradka, si ay iskula fiiriyaan sharciga doorashada ee uu muranku ka taagan yahay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News