Muqdisho (Kaab TV)– R/Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlay heshiiskii golaha wadatashiga qaranka ayaa ka digay muddo kororsi dambe oo ku saleysan kan hadda lagu heshiiyey.
Wuxuu su’aal kakeenay sababta ay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ula fariisan la’yihiin Saciid Deni, “Dalka iyo dadka inay isku hayaan ayaa laga rabaa Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
“Qorshe kasta oo Puntland ay ka maqan tahay, wuxuu xil ka saaran yahay madaxweynaha iyo R/Wasaaraha, waqtigii aan joogay xafiiska, sidaan oo kale Puntland waxay diiday nidaamka 4.5, anigaa u tegay laba todobaad Ayaan Garowe fadhiyey, si doorashada dalka loogu heshiiyo,” ayuu markale yiri Cumar Cabdirashiid.
Dhanka kale Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in heshiiskaan uu xaalad cusub ku abuurayo waxyaabihii muhiimka ahaa ee dowladda laga rabay inay deg deg uga guul keento, sida dagaalka Al-Shabaab.
“In hada Muddo kororsi ay madaxdu ku heshiiyaan wuxuu sii dhali doonaa muddo kororsi kale, madaxdu waxay qilaafeen dastuurkii dalka,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Wuxuu tilmaamay in xittaa sanadka ay kudarsadeen aysan ku qaban Karin doorasho qof iyo cod ah, “Dadkaan qaanuun ay heshiis ku yihiin ma jiro, dastuurkiina waa qilaafeen,” ayuu yiri.
Hasayeeshee, R/Wasaarihii hore wuxuu la yaab ku tilmaamay sababta go’aan sidaas u weyn loo gaaray iyadoo Puntland ay ka maqan tahay miiska wadahadalka.