SO | EN

SO | EN

Dowladda oo sheegtay tirada ciidanka ATMIS bishan June laga saaraayo dalka

|

Muqdisho (Kaab TV) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay tirada ugu horreeysay ee ciidanka ATMIS ee laga saaraayo dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah qorshaha yareynta tirada ciidamada shisheeye.

Wasaarada gaashaandhiga dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 2,000 kamid ciidanka ATMIS bishan june dib looga saari doono dalka.

“Bilihii  la soo dhaafay waxaa dhisnay ciidamo taageero ka helaya saaxiibadda caalamiga ah, kuwaas oo la wareegi doona mas’uuliyadda amniga 2,000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ah, kuwaas oo waajibaadkooda wareejin doona dhammaadka Juun 2023.” ayaa lagu yiri kasoo baxay Wasaaradda.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ey meel marineyso qoraalka kasoo baxay golaha ammaanka QM, oo tilmaamaya in layareeyo tirada ciidanka howl-galka ee ATMIS ee jooga gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in ey magacaawday koox farsamo oo isku dar ah oo isugu jira, ATMIS iyo xafiiska QM ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOS, kuwaasi oo ka howl-gali doono sidii dalka looga saari lahaa ATMIS.

Hasayeeshee, dowladda ayaa waxa ey cadeysay in ciidanka xoogga dalka ey kusoo bexeen howl-galada u dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka, taasi oo ku dhiiri galisay in ciidanka ey isku filnaasho gaareen hadii laga caawiyo waxyaalaha kale ee muhiimka ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News