Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka, kaas oo uu ugu tacsiyadeynayay geeridii guddomiyihii hore ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya marxuum, Maxamuud Maxamed Nuur.
Xasan Sheekh ayaa tacsi udiray eheladii iyo qaraabdii uu kabaxay marxuumka iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel walbo ey joogaan, sidoo wuxuu intaas kusii daray in marxuum Maxamuud Maxamed Nuur uu ahaa shaqsi usoo shaqeeyay qaranka iyo ummadda Soomaaliyed, isagoo soo noqday guddoomiyihii Bangiga horumarinta Soomaaliya iyo guddoomiyihii Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Dhanka kale qoraalka madaxweynaha meelna loogama dadkii kudhintay qaraxii xalay kadhacay Hotel Pearl Beach ee kuyaalay xeebta Liido sidoo kale qaraxii kadhacay degmada Qoryooley oo ay kudhinteen dad fara badan, taasi oo sababtay in falcelin ey ka dhalato qoraalka Xasan Sheekh.
Dadyowga isticmaalo baraha bulshada ayaa si ween uga xumaaday arrintan sidoo kale waxaa si ween uga xumaaday qaar kamid ah dadka ka shaqeeya xafiiskiisa Villa Soomaaliya.
Dadka sida ween uga falceliyay arrintan waxaa kamid, “Waxii shacab dhamaaday ma ninkaan bas looga tacsiyayanayaa xitaa geerida wa lakala qiyaamayaa HSM,” ayey tiri gabar lagu magacaabo Maria.
“Qarixii xalay maxaa uga tacsiyeen weeysay?” ayuu yiri wiil kale oo lagu magacaabo Cali Sheekh Cabdi.
“Carruurti Janaale ku dhinteen oo la gumaaday no Answer miyaa madaxweynow?” ayuu Cabdullaahi Xasan Yuusuf ayuu isna kuyiri
“Villadaan waa meel habaar ku dhacay qofkii galaba horay ayuu iska beddelayaa, Alle ha u naxriisto Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe iyo dhammaan walaalihii xalay ku shahiidday qaraxii lagu weeraray Pearl Beach” sidaasna waxaa yiri Cabdimaajid Cusman.
“Mudane madaxweyne aaway shacabkii Pearl Beach lagu laayey ay ugu horreyso walasheen Nasro. Yaa masuul ah oo loo soo qabtay mise shaqadiisa looga ceeyriyey masuuliyad darradaas amniyeed ee dhacday xalay?” ayuu yiri Amb Aadan Ahmed.