Hargeysa (Kaab TV)– Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaaladda Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka madaxtooyada, is casilaadii guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo arrinta Laascaanood.
Feysal Cali Waraabe ayaa si adag uga horyimid hoggaaminta Muuse Biixi isagoo walaac kamuujiyay doorashooyinka Soomaaliland wuxuu ugu baaqay in uu dadka reer Soomaaliland in uu kuhago waddo toosan iyo doorasho lawada ogolyahay.
Sidoo kale wuxuu intaas kudaray in mustaqbalka dadka reer Soomaaliland in uu kusii socdo god dheer, asagoo kusababeeyay dagaalada kasocdo magaalada Laascaanood oo uu sheegay in ciidanka Soomaaliland looga bixiyay awood Milateri.
Dhanka kale Guddoomiye Feysal Cali Waraabe wuxuu ka hadlay is casilaada guddoomiyihii baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif, isagoo tilmaamay in mar hore uu mudnaa in tallaabo laga qaado.
“Cabdirisaaq Khaliif maalintii uu yiri ciidanka qaranka Somaliland ayaa xasuuq ka geystay Laascaanood ee mar kale uu yiri waxaan raacsanahay go’aankii ka soo baxay odayaasha Laascaanood, ayuu mudnaa in talaabo adag laga qaado, balse nasiib darro xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare ragga jooga waxay isku arkaan inay Muuse u shaqeeyaan,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.
Sidoo kale guddoomiye Feysal Cali Waraabe wuxuu soo hadal qaaday, Puntland iyo dowladda federaalka oo uu ku eedeeyey inay dab ka shidayaan gobolka Sool oo kicin bulsho ay ka wadaan magaalada Laascaanood oo shacabkii ku noolaa ay dagaal adag kula jiraan ciidamada Somaliland.
wuxuu sheegay in dadka reer Laascaanood ay yihiin kuwo aan dantooda garaneyn, isagoo sheegay in hadda ay doorbidayaan inay hoos tagaan dowladda federaalka, inta Somaliland iska diidan oo Puntland ku gacan seyraan.