SO | EN

SO | EN

Maxkamad kutaala dalka Sweden oo diiday amarka booliiska ey kujoojiyeen in lagubo Kitaabka Qur’aanka Kariimka

|

Sweden (Kaab TV) – Maxkamada racafaanka ee dalka Sweden ayaa Isniintii sheegtay in booliiska dalka Sweden in eysan awood uleheyn in ey hor istaagaan mudaharaadyo la qorsheeyay.

Bishii January ee sanadkan waxaa Kitaab Qur’aan Kariimka lagu gubay afaafka hore ee safaraadda Turkiga ee Stockholm taasi oo dhalisay carro xooggan oo katimid dhamaan dunida Muslimka ah, iyadoo taasi ey horseeday mudaharaadyo lagu dalbanaayo in dhamaan aan la iibsanin alaabaha ey soo saarto Sweden.

Mudaharaad laqorsheeyay oo lagu doonaayay in lagu gubo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ee barakeysan.

Dhanka kale arrintan ayaa sii xumeysay rajadii ey Sweden kaqabtay in ey kubiirto isbahaysiga NATO.

Sidoo kale bishii February, waxaa codsi gudbisaday labo kooxood oo qorsheyay in markale ey afaafka hore ee safaarada Turkiga iyo Ciraaq kugubaan Kitaabka Qur’aanka Kariimka arrintaasi ayaa lasheegay in ey diideen booliiska dalkaasi.

Dhanka kale booliiska ayaa sheegay in talaabadii bishii January ey Sweden u nqoqtay mid bartilmaameed u ah werarrada.

Maxkamada racafaanka ayaa sheegtay in ey racafaan kaqateen raggii soo abaabulay labada mudaharaad, iyagoona geystay kiisaskooda maxkamada.

Maxkamadda ayaa sheegtay in amarka iyo dhibaatada amni ee boolisku sheegay aanay lahayn tilmaamo cad oo joojinaya mudaharaadada la qorsheeyey ay sababi karaan dhibaato degdeg ah.

Maxkamadda ayaa tilmaamtay in go’aankeeda laga qaadan karo racafaan, islamarkaana loo qaadan karo maxkamadda sare.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News