SO | EN

SO | EN

Dad isku qoys ah oo ku waxyeeloobay Madaafiic Ciidanka ATMIS ku garaaceen degaanka Bariire

|

Bariire (Kaab TV) – Ciidamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS eek u sugan degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ayaa waxaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen xaafaddo katirsan degaankaas, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Cali Maxamed Cumar Cali Bariire oo mar so noqday Guddoomiyaha degaanka Bariire ayaa sheegay in qoyskiisa oo ku sugan degaanka Gurigooda uu ku dhacay madaafiicda ay soo tureen Ciidamada ATMIS, isla markaana ay ku dhaawacmeen Wiil uu dhalay, Xaaskiisa iyo Carruur uu dhalay, kuwaas oo ku sugan degaanka.

Cali Maxamed Cumar Cali Bariire oo Wareysi siiyay Warbahinta ayaa wuxuu sheegay in Wiilkiisa iyo Carruurta uu dhalay ee ku dhaawacmay hoobiyaha ay Ciidamada  ATMIS ku garaaceen degaanka Bariire ay keeneen Isbitaalka Madiine ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay qabaan dhaawacyo kala duwan.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray guriga ay daganaayeen qoyska oo ahaa danyar, taas oo uga sii dareyso dhibaatada soo gaartay dadkaasi.

ATMIS ayaa lagu eedeeyay inay maqribkasto ay  tuurto madaafiic, taas oo ay walaac ka muujinayaan dadka deegaanka oo haatan uu khasaare soo gaaray.

“Dhinaca AMISOM ayay ka yimideen madaafiicda, waxbay iska tuur tuuraan Maqribadii,” ayuu yiri mid kamid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ATMIS oo ku aadan dhacdadaas lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen iyagu.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News