Muqdisho (Kaab TV) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay xilka La-taliyaha arrimaha sugnaanta iyo cunnada ee hay’adda.
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SODMA Maxamuud Macallin ayaa Goodax Barre u magacaabay La-taliyaha ee arrimaha sugnaanta cunnada ee hay’adda.
“Waxaa u magacaabay Cabdullahi Godax Barre La-taliyaha sugnaanta cuntada (Senior Food Security Advisor) ee hay’adda Maareynta Musiiboyinka Soomaaliya (SODMA).” ayaa lagu warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SODMA.
Warqadan kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu arkay baahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhameystiro howlaha dib-u-habeynta hay’adda SODMA.
Dhanka kale, waxaa lagu sheegay in shaqada La-taliyaha cusub lagu cadeyn doono shaqo tilmaame gaar ah oo qeexaya howlaha uu qabanayo.
Sidoo kale, Magacaabistan ayaa waxa uu guddoomiyaha hay’adda SODMA uu sheegay in uu ka talo-galiyay guddoomiye ku-xigeenka hay’adda, sida uu ku sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiskiisa.
Warqadaan lagu magacaabay La-taliyaha arrimaha sugnaanta cuntada ayaa sidoo kale waxaa si dhow ula socday agaasimaha guud ee hay’adda SODMA iyo guddiga qaranka ee shaqaalaha dowladda.