Beledwayne (KAAB ) Tan iyo markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan , waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan sida ay ku timid xil ka qaadistaas.
Guddoomiye Cali Jeyte in muddo ah waxa uu khilaaf kala dhaxeeyay madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe , waxaana markii ay soo baxday warqada xil ka qaadistiisa soo baxaya war sheegaya in la curyaaminayo howlgalka Hiiraan.
Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa Facebook-kiisa ku qoray , in xil qaadista Cali Jeyte ay la micna tahay curyaaminta howlgalka , isla markaana ay riixayaan kooxda Al- Shabaab oo ku guuldaraystay in ay qaarijiyaan.
Xildhibaan Mahomed Abdulkadir ayaa sheegay in lacag gaareysa labo milyan oo dollar ay Al-shabaab ku bixisay in xilka laga qaado Cali Jeyte Gudoomiyihii gobolka Hiiraan.
“Warqadii ugu qaalisaneyd ee soo baxday qarniga 21aad laguna gatay inta illaa iyo hadda aan ognahay 2 million oo dollar ayey argagixisadu bixisay si looga hor wareejiyo Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan” ayuu yiri Xildhibaanka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Xildhibaan Mahomed Abdulkadir in Cali Jeyte uu laf dhuun gashay ku noqday Al-shabaab sababta xilka loga qaadayna ay tahay sidaas.
“Cali Jeyte wuxuu noqday qofkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay oo ay dilkiisa argagixisadu ku bixisay qarash dhan 1 Million Dollar, Marki ay u suurageli waysayna ku bixisay 2 Million Xil ka qaadistiisa” ayuu intaas ku daray Xildhibaanka.
Magaalada Beledweyne waxaa lagu soo waramayaa in xil ka qaadista Cali Jeyte ay ka dhalatay caro xoogaan oo sababtay in waddooyinka qaar maleeshiyo caraysan ay xirtaan.