Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Maanta gaaray magaaladda Kismaanyo oo ah xarunta gobolka Jubada Hoose.
Madaxwayne ku Xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Wafdi uu Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Axmed Moallim.
Wasiir Fiqi ayaa Magaalada Kismaayo u tagay Shirka isku dabbaridka Xasilinta qaran oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Shirka waxaa kasoo qaybgalaya Xubno ka socda Wasaaradaha Maamul Goboleedyada Dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha heer Federaal oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo saaxibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera Arrimaha Xasilinta.
Socdaalka Wasiir Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli ay maamulkaas ka taagan tahay xiisadda gobolka Gedo, islamarkaana ay mar kale cirka isku sii shareertay, kadib markii uu Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay gobolkaasi, ayada oo xal laga gaarin khilaafkii hore.
Dhawaan ayay aheyd markii magaalada magaalada Garbahaareey laga soo celiyay diyaarad uu la socday guddoomiyaha cusub ee dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe, kadib markii ay is-hortaag ay ku sameyeen xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolkaasi iyo dad deegaanka.