Garoowe (Kaab TV) – Dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland ee taabacsan Madaxweyne Deni iyo ciidamo kale oo mucaarad ah oo kasoo horjeeda ayaa ka qarxay xaafado katirsan magaalada Garoowe.
Sida aan wararka sheegayaan dhinacyada dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana barakac iyo kala carar xilligan ka socdaa xaafado katirsan caasimadda Puntland.
Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii xildhibaannada baarlamaanka Puntland bilaabeen ka doodista qodobkii muranka badan ka taagnaa ee furista dastuurka Puntland, kaa oo si weyn uga soo horjeedaan mucaaradka madaxweyne Deni.
Dagaalka ka qarxay magaalada Garoowe ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa agagaarka xarunta baarlamaanka Puntland, waxaana aagaasi horey uga barakacay inta badan dadkii shacabka ahaa ee degnaa.
Maamulka madaxweyne Deni ayaan wali ka hadlin dagaalkan saakay ka qarxay magaalada Garawe, waxaana fashilmay dedaalo la doonayay in looga hortago in dagaal ka dhaco caasimadda Puntland.
Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin.