Garoowe (Kaab TV) – Xaalada magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in saka ey degan tahay, balse dhaqdhaaqyo Ciidan halkaas ay ka jiraan .
Ciidamo ka Tirsan maamulka Puntland ayaa saakay lagu arkay Xaafadaha Magaalada Garoowe kuwaas oo Hawlgallo Amniga lagu xaqiijinayo ka bilaabay.
Sidoo kale’ wararka ayaa sheegaya in Ciidamada mucaaradka Puntland ee uu Hogaamiyo Jeneraal Jimcaale Takar iyagana ay Dhaqdhaaqyo kaa bilaabeen duleedka Magaalada Garowe.
Arintaan ayaa u muuqata mid keeni karta in Ciidamada Puntlaand iyo Mucaaradka ka soo horjeeda markale ay ku dagaalamaan magaalada Garoowe, balse isimada Dhaqanka Puntland ayaa wada dadaalo looga hortagayo dagaal mar kale ka dhaco Magaaladaas.
Dagaalkii daraad ka dhacay magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 ruux halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah , waxaana wararka qaar ey sheegayaan in Ciidamada mucaradka Puntland dagaalkaas looga dilay 16 Askari Saddex Gaadiid oo kuwa dagaalka ahna looga qabsaday.