Nairobi (Kaab TV) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya laga yaabo in ay halkaas ku sii sugnaadaan xita ka dib dhamaadka hawlgalka ATMIS.
Ruto ayaa sheegay in dalalka safka hore ee Kenya, Uganda, iyo Itoobiya ay go’aansadeen in ay ka dib dhacaan muddada loo qabtay si aysan u lumin guulaha la gaaray.
“Waxaan go’aansanay haddaan nahay dalalka safka hore ee Uganda, Kenya, iyo Jabuuti inaan ku sii jirno hawlgalkan haddii loo baahdo” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.
Madaxweynaha ayaa xusay in talaabadaas la qaadayo hadii loo arko lama huraan sababtoo ah waxaa laga yaabaa in Al-Shabaab dib ugu soo laabtaan, isla-markaana ay qabsadaan dhulka ballaaran ee haatan laga saaray.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in kooxda Al-Shabaab ay caqabad ku tahay guud ahaan gobolka, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago.
Hadalkan ayaa imaanayo, ayada oo dhammaadka bishan June lagu wado inay dalka ka baxaan 2,000 oo kamid ah ATMIS, taas oo qayb ka ah qorshaha ka bixitaankooda Somalia.
Hasayeeshee, tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-gallada millateri ee ka billowda gobollada dalka, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah.

