Jowhar (Kaab TV) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo waxyar kataabtay xiisadda ka dhalatay xilka qaadista guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.
Cali Guudlaawe oo kahadlay xuska munaasabad 1-da Luulyo oo ka dhacday magaalada Jowhar ayaa ka hadlay tallaabada uu qaaday Cali Jeyte oo ku dhowaaqay maamulka Hiiraan State.
Sidoo Cali Guudlaawe ayaa sheegay in HirShabelle aysan aheyn xisbi la’isaga bixi karo marka loo baahdo sida uu hadalka udhigay.
“HirShabelle, mana ahan xisbi laga baxayo waa sida aad ugu dhalatay deegaankan waad ku jiree intaad nooshahay qaybtaada ka qaado annagana waxaan ballan qaadeynaa inaan u nuglaano talo kasta oo naloo keeno” ayuu yiri Cali Guudlaawe.
“Udhalashada HirShabelle ahaashadeedu ma aha waxa dhamaanaayo, laakiin qof kasta oo mas’uuliyad haayo muddo kooban ayey leedahaye ee halagula shaqeeyo muddadaas, midka beri imaanaayana si loola shaqeeyo waxay u dan tahay danta iyo degaanka” ayuu yiri madaxweyne Guudlaawe.
“Degmooyinka HirShabelle dad la magacaabay oo digreeto kusoo baxay ayaa maamulo wixii hadda ka dambeeya dad ay bulshadu soo dooratay inuu hoggaamiyo ayaa naga go’an.