Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in guulo waaweyn oo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada Hirshabeelle ka gaareen dagaaladii lala galay Al-shabaab ayna maanta xor yihiin dhamaan degaanada dhaca bariga Hirshabeelle.
Waxaa uu xusay in dhowaan wajiga 2-aad ee howlgalada laga bilaabi doono deegaanada dhaca galbeedlka Hirshabeelle.
Cali Guudlaawe ayaa xusay in degmooyinka Buulo burde, Maxaas, Moqokori, Aadan-yabaal iyo Cali Gaduud ay ka bilowdeen qorshaha xasilinta ee lagu horumarinayo degaanadaas iyagoo heli doono xarumo waxbarasho, cusbitaalo, Xarumaha Maamulka, Saldhigyo Boolis iyo Nalalka soolarka si bilicda Magaalooyinkaas sare loogu qaado.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in la aadayo doorashooyin toos ah oo bulshada loogu dhoweynayo awooda si ay u xushaan cida ay masiirkooda u dhiibanayaan, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool degmooyinka Hirshabeelle inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan hirgalinta doorashooyinkaas.
Cali Guudlaawe ayaa si aan toos aheyn uga hadlay khilaafka ka dhashay xilka qaadisti uu ku sameeyey Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo diidmadii uu kala hor yimid, isagoo taas bedelkeed ku dhawaaqay iney hiiraan ka baxday Hirshabelle, ayna tahay maamulka Hiiraan State.
Ummada Hirshabelle waxaan ugu baaqayaa iney ka shaqeeyaan horumarka degaanadooda, Hirshabelle dowlad goboleed kale ma noqoneyso, mana ahan xisbiga laga baxaayo ee waa sidaad ugu dhalatay degaanka waadna ku jireysaa intaad nooshahay” ayuu yiri Cali Guudlaawe oo hadalkan ka jeediyey Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo ku beegan 63-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay gobolada Koofureed ee dalkeenna ka xoroobeen gumaystihii Talyaaniga iyo Israacii Gobolada Waqooyi iyo kuwa koonfur ee Soomaaliya.