SO | EN

SO | EN

Isimada SSC oo ugu baaqay Xasan Sheekh kala cadeeyo cida gardaran SSC iyo Soomaaliland

|

Laascaanood  (KAAB TV) – Isimada deegaannada SSC ee dagaalka kala soo horjeeda Soomaaliland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay kala cadeeso mowqifkeeda ah SSC iyo maamulka Somaaliland cidda gardaran ee duullaanka ah.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ka mid ah madax dhaqameedka deegaannada SSC, ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Somaaliland uu yahay mid lagu qasbay ayna ku jiraan xaalad is difaac ah.

Waxa uu sheegay Garaadka in dowladda federaalka Soomaaliya uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, ay dooneyso in ay raaligeliso labada dhinac ee isku haya magaalada Laascaanood.

“Cidda ay mas’uuliyaddan saarantahay ee aad mooddo weli in kii dulmiga waday iyo kii la dulminayay ay isleedahay wada raali gali waa dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaadka ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh in uu si dhab ah u cadeeyo mowqifkiisa ku aadan colaada Laascaanood, sidoo kale cadeeyo cidda gardaran iyaga iyo maamulka Somaaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku baaqday in la joojiyo colaada ka taagan magaalada Laascaanood, waxa ayna dowladda xaalada Laascaanood u wajahday qaab u eg dhex dhexaadnimo.

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News