HARGEYSA (KAAB TV) – Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashooyinka maamulka Soomaaliland.
Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Soomaaliland iyo guddiga doorashooyinka ayaa maanta siwadjir ah usoo saaray jadwalka doorashooyinka ee maamulka Soomaaliland.
Sidoo kale, guddiga doorashooyinka ayaa sheegay xiliga laqabanaayo doorashada xisbiyada oo ku asteesan dhamaadka sanadkan ee 28 December 2023-ka.
Dhanka kale, guddiga ayaa sheegay xiliga laqabanaayo doorashada madaxweynaha Soomaaliland iyo kuxigeenkiisa, ey iyadana dheceyso 13- November ee sanadka 2024-ka.
Hasayeeshee, lama oga in ey aqbali doonaan iyo in kale xisbiyada mucaaradka, jadwalka doorashooyinka ee maanta soo saareen guddiga doorashooyinka.
Xisbiyada mucaaradka maamulka Soomaaliland ayaa iyagu doonaayay in lasoo hormariyo doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, walow maanta ey guddiga doorashooyinka maamulka Soomaaliland ey soo saareen jadwalka doorashada xisbiyada iyo tan madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka.
Mucaaradka ayaa horey arrintan meel iska taagay, sidoo kale arrintan ayaa waxaa kadhalankaro xiisad siyaasadeed maadaama maamulka Soomaaliland ey kataagneed dood ah in aan dib loodhigin doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka.