Muqdisho (KAAB) – Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Somaaliya ayaa fasaxday Shaqaalaha rayidka ah ee heyaddaha DF maalinta beri ah oo taariikhdu tahay 19ka bisha July oo sidoo kale ku beegan 1da bisha Muxaram, sababo la xiriira curashada sanadka cusub ee Hijiriyada Islaamka 1445.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Xildhibaan Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1445. H wuxuu hambalyo u diray dhammaan Ummadda Islaamka gaar Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiir Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa sidoo kale hambalyada sannadka cusub ee Islaamka la wadaagay shaqaalaha rayidka ee dowladda iyo shaqaalaha Madaxa-bannaan ee soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Dhinaca kale Wasiirka ayaa guud ahaan Ummadda Islaamka u rajeeyay in sannadkan sannadkiisa kale Alle nagu gaarsiiyo nabad iyo Caafimaad.