Al-Shabaab oo fasaxday baabuurtii ay ka xayireen Baydhabo

|

BAYDHABO (KAAB TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Jimcaha maanta fasaxday gaadiid siday badeecad kuna wajahnaa magaalada Baydhabo kuwaasoo muddo ka badan hal toddobaad ku xayirnaa waddada u dhexeysa Baydhabo iyo Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ganacsato iyo odayaal qabaa’il ay la hadleen kooxda Al-Shabaab, taasoo ogolaatay in Al-Shabaab ay oggolaadaan in gaadiidka raashinka iyo waxyaabaha aas aasiga wada uu galo magaalada Baydhabo.

Maamulka Koonfur Galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ayaase beeniyay in wax wada hadal ah uu maamulka la galay kooxda Al-Shabaab.

Axmed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) oo ah La Taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ka dib hanjabaaddii maamulka uu soo saaray shalay ay Al-Shabaab goosteen inay soo fasaxaan gaadiidka.

Axmed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) oo ah La Taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa Khamiistii u sheegay golihiisa wasiirada in cunaqabateynta ay Al-Shabaab ku soo rogtay Baydhabo ay tahay mid adag, isagoo ku baaqay in shacab iyo maamul loo diyaargaroobo dagaal lagu qaado kooxda Al-Shabaab.

Ma cadda in siidaynta gawaaridan ay khusayso baabuurta waaweyn ee la haysto in ka badan toddobaad keliya iyo inay tahay in guud ahaanba la fasxay gaadiidka xamuuilka u wada magaalada Baydhabo. Sidoo kale ma cadda in gaadiidka xamuulka ah ee weli ku xaniban magaalada Muqdisho, kuna sii jeedaan Baydhabo uu sii socon doono safarkaasi.

Go’doominta ayaa sare u qaaday qiimaha la kala siisto raashiinka, shidaalka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah magaalada Baydhabo.

Go’doomintan ayaa ahayd mid ay Al-Shabaab kaga aargudayeen kadib markii maamulka Koonfur Galbeed ay xabsiga dhigeen maamulayaal iskuullo u socdaalay deegaanada Al-Shabaab si ay ula soo kulmaan kooxda. Maamulka ayaa balan qaaday in maxkamad la soo taagi doono maamulayaasha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News