SO | EN

SO | EN

Ma Xasaaska Al- Shabaab ayaa laga saarayaa Baraawe?

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in la  joogo waqtigii carruurta iyo xaasaska Al- Shabaab laga saari lahaa magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Hadalkan waxaa sheegay Wasiir maamulka Koonfur Galbeed u qaabilsan amniga oo lagu magacaabo Xasan Abdulkadir Maxamed.

Xasan Abdulkadir Maxamed ayaa amray in magaalada ay isaga baxaan sida uu yiri xaasaska iyo caruurta madaxda iyo dagaalyahannada Al-Shabaab, isagoo sabab uga dhigaya keliya in ay yihiin carruurta iyo xaasaska kooxda Al-Shabaab.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray in  suurtagal ahayn in Al-Shabaab dadka ay dhibaateeyeen carruurtooda iyo xaasaskoodana ay sii joogaan magaalada Baraawe ee Shabeellaha Hoose.

“Lama aqbali karo in Shabaab ay dhibaateeyaan dadka deegaanka, isla-markaana ay qoysaskoodu joogaan magaalada” ayuu yiri Xasan Abdulkadir Maxamed.

Baraawe ayaa ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, sida ku qoran dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inuu caasimadda Koonfur Galbeed ee Baraawe u joogo diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya guud ahaan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaan weli caddeyn sida lagu aqoonsan karo xaasaska iyo carruurta uu sheegay wasiirka inay yihiin kuwa Al-Shabaab ee jooga magaalada Baraawe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News