JINDERIS, Suuriya (KAAB TV) – Gabadh yar oo ku hoos dhalatay burburka guriga qoyskeeda ee ku burburay dhulgariirkii lagu hoobtay ee ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya lix bilood ka hor ayaa caafimaadkeedu wanaagsan yahay, waxayna jeceshahay qoyska iyada korsaday ka dib geerida dhammaan qoyskeeda.
Gabadha yar ayaa jecel una dhoola caddeyso xitaa dadka aysan garanayn.
Canugtan yar oo loo bixiyay Afraa ayaa laga heley burburka gurigooda hoostiisa 10 saacadood ka dib dhulgariirkii 6-dii Febraayo ee sannadkan ku dhuftay Suuriya. Nasiib darro, waxaa burburka ku dhintay gebi ahaanba xubnaha qoyskeeda oo ahaa hooyadeed, aabeheed iyo afar walaalo ah oo hal meel ku wada dhintay magaalada Jinderis ee waqooyiga Suuriya.
Markii la helay, gabadha yar oo markaasi uu dhalatay ayaa weli xuddunteeda qabtay, waxay ku dheganayd hooyadeed.
INDHAHA CAALAMKA
Sheekada gabadhan yar ayaa wakhtigaas si weyn u soo jiidatay caalamka oo dhan, waxaana dadka meelo kala duwan ku nool ay soo codsadeen inay korsadaan gabadha yar, hase yeeshee waxaa taasi ku gacan seyray qoyska eedadeed oo hadda korsanaya gabadha yar.
Ka dib markii ay maalmo ku jirtay cisbitaal ku yaal waqooyiga Suuriya, Afraa waa laga saaray, waxaana lagu wareejiyay eedadeed iyo ninka eedadeed qaba, kuwaas oo korinaya iyada iyo shan gabdhood iyo laba wiil oo ay dhaleen.
Mas’uuliyiinta isbitaalka ayaa Afraa ku wareejiyay qoyska eeddadeed maalmo ka dib markii baaritaan DNA ah lagu sameeyay si loo hubiyo in gabadha iyo eedadeed ay dhiig ahaan is leeyihiin, siduu sheegay adeerka hadda korsanaya cunugta yar oo lagu magacaabo Khalil al-Sawadi.
“Gabadhani waa inantayda. Runtii waxay la mid tahay carruurtayda,” ayuu yidhi al-Sawadi, isagoo Afraa dhabta ay u saaran tahay.
Al-Sawadi waxa uu sheegay in uu maalintii uu seexdo guri uu kiraystay, balse habeenkii qoysku ay u hoydaan teendho oo aysan aqbaleyn ku hoyashada dhismaha, maadaama carruurtiisa ay weli ka naxsan yihiin dhulgariirkii ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof oo ka dhacay koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada, in ka badan 4,500 oo dhimasho ah iyo 10,400 oo dhaawac ah ayaa laga diiwaangeliyay waqooyi-galbeed Suuriya markii uu dhacay dhulgariirka sannadkan. Waxaa lagu qiyaasaa in 43% dadka dhaawaca ah ay yihiin haween iyo gabdho halka 20% dadka dhaawacmay ay yihiin carruur da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 14 sano jir.
Dhul gariirkan oo cabirkiisu ahaa 7.8 magnitude (cabbirka dhulgariirada) ayaa dhacay saacadihii hore ee 6-dii Febraayo sannadkan, waxaana xigay dhulgariiryo dhowr ah. Meelaha ugu daran ee ay ku dhufatay waxaa ka mid ah waqooyiga-galbeed ee Suuriya oo ay gacanta ku hayaan fallaagada oo ay ku nool yihiin ilaa 4.5 milyan oo qof, kuwaas oo intooda badan ay ku barokaceen colaadda dalkaas ka socota ee 12-ka sano ah oo ay ku dhinteen nus milyan qof.
Markay Afraa weynaato, Al-Sawadi wuxuu leeyahay, wuxuu uga sheekayn doonaa sheekadii sidii loo soo badbaadiyay iyo sidii waalidkeed iyo walaalaheed ay ugu dhinteen dhulgariirkii ba’naa. Wuxuu sheegay in haddii uusan u sheegin, xaaskiisa ama carruurtiisa ay sheegi doonaan, sidaasina isagu ma doonayo inay dhacdo.
Maalin ka dib markii la keenay isbitaalka ee cunugtan yar lasoo badbaadiyay, dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha waxay u bixiyeen Aayah – oo Carabi ahaan noqoneysa “calaamad ka mid ah calaamadaha xagga Rabbi ka yimid.” Laakiin markii dambe qoyska eeddadeed hadda korsaneysa gabadha ayaa ka beddelay magaca, waxaana loogu magac daray hooyadeed “Afraa”.
Isla eedada ayaa maalmo ka dib markii ay cisbitaalka kala soo baxday Afraa, waxay dhashay gabar kale oo iyana loo bixiyay Cataa. Tan iyo markaas waxay naas nuujinaysay labadaba gabdhood, al-Sawadi ayaa yidhi.
“Afraa waxay cabtaa caano, inta badan maalinkiina way huruddaa,” al-Sawadi ayaa yidhi.
Al-Sawadi ayaa sheegay inuu helay ballanqaadyo dhowr ah oo la doonayey in loogu qaado dibadda, laakiin wuxuu sheegay inuu diiday sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu sii joogo Suuriya, halkaas oo waalidka Afraa ay ku noolaayeen kuna dhinteen.
Aabaha dhalay Afraa, Abdullah Turki Mleihan, waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa Khsham, oo ah tuulo ku taal bariga gobolka Deir el-Zour, laakiin waxa uu ka tagay 2014 ka dib markii maleeshiyada Dawladda Islaamiga ah ee ISIS qabsatay tuulada.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay cunugta yar, sababtoo ah waxay na xasuusinaysaa waalidkeed iyo walaalaheed,” al-Sawadi ayaa yidhi. “Waxay aad ugu egtahay aabaheed iyo walaasheed Nawara.”
—
(Isha: AP)