SO | EN

SO | EN

Go’aano ka soo baxay shir ay yeesheen Wasiirka amniga, Duqa Muqdisho & taliyeyaal ciidan

|

Muqdisho (KAAB) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cali Doodishe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa kulan ku saabsan dardargelinta amniga Caasimadda iyo Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Maandooriyaha la qaatay Saraakiisha Laamaha kala gedisan ee Amniga iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin, Taliska Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Police Millitary iyo dhamaan saraakiisha ka shaqeysa Laamaha Amniga Caasimadda Muqdisho.

Dhanka kale, Shirkaan ayaa la isla qaatay in la dardargeliyo Awaamiirtii horey ugu soo baxay Madaxda Dowladda oo ay ugu horeyso Xakameynta Hubka iyadoo qofkii ku xadgudubta lala tiigsan doonno Maxkamadaha ku shaqada leh, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Maandooriyaha,  Wacyigelinta Bulshada iyo in la xoojiyo Wada-shaqeynta ka dhaxeysa Bulshada iyo Laamaha Amaanka.

shirkaan ayaa lagu amaanay Doorka Hoggaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si dagaalkaasi loogu guul gaarana ay muhiim tahay in Bulshada caasimadda ee doorkooda ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News