Aadan Madoobe oo lagu eedeeyay beegsi ka dhan ah reerka Laftagareen

|

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe lagu eedeeyay inuu beegsi siyaasadeed ku bilaabay dad loo aaneynayo inay xiriir la leeyihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,Eedeynta ah in dad gaar ah lagu beegsanayo xiriirka ay la leeyihiin Laftagareen ayaa ah arrin culus.

Khilaafka labada dhinac ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isu beddelay mid siyaasadeed oo si weyn ugu dhex milmay arrimaha amniga. Aadan Madoobe ayaa hoggaanka Koonfur Galbeed qabtay bartamihii sanadkan, isagoo taageero ka helaya dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Laftagareen iyo taageerayaashiisu ay diidan yihiin isbeddelka hoggaanka, iyagoo ku adkeysanaya in xilka looga qaaday hab aanay sharci iyo siyaasad ahaan u aqoonsanayn.

Warbixinno kale ayaa muujinaya in ciidamada taageersan Laftagareen ay dhaqdhaqaaqyo ka sameeyeen magaalada iyo nawaaxigeeda, taas oo keentay in maamulka Aadan Madoobe uu xoojiyo ciidamada iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Dhanka kale, Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu xoogga saarayo sugidda amniga Baydhabo iyo xoojinta ciidamada maamulka.

27-kii Agoosto ayuu Aadan Madoobe uu booqday fariisimaha ciidamada ee jiidda hore, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha amniga, isagoo sheegay in ciidamada ay muhiim u yihiin ilaalinta shacabka iyo xasilinta magaalada.

Xiisadda ayaa sidoo kale keentay in hadallada siyaasadeed ee labada dhinac ay noqdaan kuwo sii kululaanaya. Taageerayaasha Laftagareen waxay ku doodaan in dowladda Federaalka iyo Aadan Madoobe ay si siyaasadeed uga shaqeynayaan sidii meesha looga saari lahaa saameynta Laftagareen, halka dhinaca Aadan Madoobe uu ku doodayo inuu yahay hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed ee hadda jira.

DHEERAAD:  Maxaan ka ognahay duullaankii Israa'iil ee isbitaalka Al-Shifa ee Gaza?

Arrinta dadka loo aaneynayo inay taageeraan Laftagareen ayaa haddii ay sii xoogeysato yeelan karta saameyn ka baxsan khilaafka siyaasadeed. Dadka rayidka ah ayaa noqon kara kuwa ugu badan ee ay saameyso haddii khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo kala aamin-bax bulsho ama beeleed.

Baydhabo waxay horay u soo martay marxalado kala duwan oo khilaaf siyaasadeed iyo amni ah, waxaana hadda laga cabsi qabaa in khilaafka cusub uu sii kordhiyo kala qeybsanaanta bulshada.

Dhinaca kale, Aadan Madoobe waxaa haysta caqabado waaweyn oo ku saabsan sidii uu u mideyn lahaa maamulka iyo ciidamada Koonfur Galbeed. Inkastoo uu haysto taageerada dowladda Federaalka, haddana joogitaanka ciidamada iyo taageerayaasha Laftagareen ayaa ka dhigaya xaaladda Baydhabo mid aan weli si buuxda u xasilloonayn.

Khilaafka labada dhinac wuxuu sidoo kale saameyn ku yeelan karaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Koonfur Galbeed waa mid ka mid ah meelaha muhiimka ah ee dagaalka lagula jiro kooxda, waxaana khubarada amniga iyo siyaasiyiintu muddo dheer ka digayeen in khilaafka siyaasadeed uu wiiqi karo iskaashiga amni.

Haddii ciidamada iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ay ku mashquulaan khilaaf gudaha ah, waxaa yaraada awoodda iyo feejignaanta loo baahan yahay si loola dagaallamo Al-Shabaab. Taasi waxay sidoo kale saameyn ku yeelan kartaa dadka ku nool Bay iyo Bakool iyo deegaanada kale ee maamulka.

Khilaafka siyaasadeed oo markii hore ku saabsanaa hoggaanka Koonfur Galbeed ayaa hadda si weyn ugu dhex milmay arrimaha ciidamada iyo amniga magaalada. Haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin, waxaa jirta cabsi ah in xiisaddu sii dheeraato, taas oo saameyn ku yeelan karta shacabka, ganacsiga iyo amniga Baydhabo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News