Soomaaliya ayaa wajahaysa mid ka mid ah marxaladihii ugu adkaa ee amni ee sannadihii u dambeeyay, iyadoo xog cusub oo ay soo saartay hay’adda Armed Conflict Location & Event Data (ACLED) ay muujinayso in in ka badan 10,000 dhimasho laga soo sheegay rabshadaha la xiriira Al-Shabaab intii lagu jiray 18-kii bilood ee u dambeeyay.
ACLED, oo ah hay’ad caalami ah oo ururisa oo falanqaysa xogta colaadaha iyo rabshadaha siyaasadeed, ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay weli tahay xoogga ugu weyn ee wada colaadda Soomaaliya, iyadoo weerarro ka fulisa qaybo badan oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta dalka.
Xogta ACLED ayaa tilmaamaysa in Al-Shabaab ay sababeen in ka badan 10,000 dhimasho muddada 18-ka bilood ah.
Tiradaasi waxay muujinaysaa heerka uu gaarsiisan yahay dagaalka Soomaaliya, oo aan ku koobnayn oo keliya dagaallada u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda, balse ay ku jiraan weerarro lagu beegsado rayid, qaraxyo, dilal qorshaysan iyo dagaallo ka dhaca deegaannada miyiga ah.
ACLED waxay Soomaaliya ku tilmaantay dal ay Al-Shabaab si weyn u waddo colaadda, iyadoo kooxda ay weli ku leedahay awood iyo joogitaan deegaanno badan oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa muddo dheer adeegsanaysay habab kala duwan oo dagaal, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaraxyada, weerarrada tooska ah, gaadmada iyo dilalka qorshaysan.
Xogta ACLED waxay muujinaysaa in weerarrada ka dhanka ah shacabka ay qayb muhiim ah ka yihiin rabshadaha ka socda Soomaaliya.
Tusaale ahaan, ACLED waxay sheegtay in bishii Maarso 2026 ay Al-Shabaab qaaday olole weerarro ah oo lagu beegsaday rayid ku kala nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo ugu yaraan 47 qof lagu dilay dhacdooyinkaas sida ay diiwaangelisay hay’addu.
Soomaaliya ayaa muddo dheer ka mid ahayd meelaha ay colaadaha hubeysan iyo rabshadaha siyaasadeed ka jiraan.
Xogta ACLED ee Soomaaliya ayaa waxay muujinaysaa in Dagaalada ay si gaar ah ugu badan yihiin qaar ka mid ah gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.
Xog ay soo bandhigtay Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Magangelyada ayaa sheegtay in, marka la adeegsanayo xogta ACLED, Soomaaliya laga diiwaangeliyay 7,269 dhacdo amni intii u dhexeysay Abriil 2023 iyo dhammaadkii Luulyo 2025. Gobollada ugu badan ee dhacdooyinka laga diiwaangeliyay waxaa ka mid ahaa Shabeellaha Hoose, Banaadir/Muqdisho iyo Bay.
Tani waxay muujinaysaa in Dagaalada aysan ku koobnayn hal goob oo keliya, balse ay ku fidsan yihiin qaybo kala duwan oo dalka ah.
Human Rights Watch ayaa sidoo kale warbixinteeda Soomaaliya ee 2026 ku sheegtay in Al-Shabaab ay sii wadday weerarro aan loo meel dayin iyo kuwo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo rayidka, iyadoo shacabka ay yihiin kuwa si weyn u qaada culayska colaadda iyo rabshadaha siyaasadeed.
Inkasta oo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada deegaanka ay sannadihii dambe qaadeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, haddana kooxda waxay weli awood u leedahay inay weerarro ka fuliso qaybo badan oo dalka ah.
ACLED ayaa waxay sheegtay in Al-Shabaab ay weli awood ku leedahay dhulal miyiga ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, isla markaana ay sii waddo weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo shacabka.
Kooxdu waxay sidoo kale isticmaashaa shabakado maxalli ah, canshuur iyo lacag ururin qasab ah, iyo nidaamyo ay ku maamusho ama ku saameyso deegaanno ay joogto.
Arrimahaas ayaa ka dhigaya dagaalka ka dhanka ah kooxda mid aan ku koobnaan karin hawlgallo militari oo keliya.
Weerarrada ka dhaca caasimadda waxay yeelan karaan saameyn ka ballaaran tirada dadka ku dhinta, maadaama ay abuuri karaan cabsi, hoos u dhac dhaqaale iyo carqalad ku timaada adeegyada bulshada.
Soomaaliya waxaa ka jira colaado iyo rabshado kale oo ay ku lug leeyihiin kooxo hubeysan, maleeshiyaad beeleed, ciidamada dowladda iyo dhinacyo kale.
Xogtan cusub waxay cadaadis dheeraad ah saaraysaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, kuwaas oo wajahaya hawl adag oo ku saabsan dib u dhiska amniga iyo yareynta awoodda Al-Shabaab.
Xogta ACLED waxay digniin u tahay heerka ay colaadda Soomaaliya gaartay, halka shacabka Soomaaliyeed ay weli yihiin kuwa ugu weyn ee bixiya qiimaha dagaalka.

