MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maalin ka hor siideysay muuqaal qeyb ka ah barobagaandada kooxda la aaminsan yahay inay kooxda ugu talagalashay in dad cusub ku qorato, xilli ay kooxda waddo is ballaarin isla markaana laga dilay qaar ka mid ah horjoogayaasheeda.
Muuqaalka oo soconaya ku dhowaad 53 daqiiqo ayaa lagu baahiyay luuqadaha Af Soomaali, Af Carabi iyo Sawaaxili. Waxaana loo badinayaa in maalmo ka hor weerarka Godka Jilicow ee dhacay 4 October 2025 la duubay muuqaalka.
Waxaana Shabaab ay ku soo bandhigeen toddoba xubnood oo ahaa kuwii fuliyay weerarkii is miidaaminta ahaa ee 4 October 2025 ay ku qaaday kooxda xabsiga Godka Jilicow ee ay maamusho hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Soomaaliya.
Afhayeenka kooxda Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) iyo wiilkiisa oo 20 jir ah, laguna magacaabo Cabdifataax ayaa kasoo muuqday muuqaalka iyagoo ka hadlaya kooxda is miidaamiyaasha Shabaab ee loo diyaarinayay weerarka Godka Jilicow.
Kooxda ayaa sheegtay in wiilka Cali Dheere uu ka mid ah is miidaamiyaashii ku naf waayey weerarka Godka Jilicow.
Cali Dheere ayaa ku celceliyay ereyo uu kaga hadlaayo barakicinta qasabka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu eedeeyay inuu guryahooda kaga saaray dad kumanaan gaaraya oo ku nool Muqdisho.
“Guryihiina ayaa la dhacay, carruurtiina xabsiyada ayay ka buuxaan,” ayuu ku celceliyay Cali Dheere.
Mahad Cabdiraxmaan Warsame ‘Karate’ oo ah madaxda qeybta militariga ee Al-Shabaab, isla narkaana dowladda Mareykanka ay horey madaxiisa u duldhigray abaalmarin lacageed oo 10 million doolar dhan, ayaa codkiisa laga amaqlay inta uu socday muuqaalka.
Sidoo kale Mahad Karate ayaa soo qaatay barakicinta iyo burburinta guryaha qoysaska Muqdisho.
Waxaa muuqaalka lagu arkay qeybo ka mid ah Muqdisho oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay adeegsanayaan cagaf cagaf iyagoo qoysas haween iyo carruur u badan ka burburinaaya guryihii ay ku noolaayeen.
Mahad Karate ayaa hadalkiisa farriin ugu diray dadweynaha uu saameeyay barakicinta.
In Al-Shabaab ay barakicinta qasabka u adeegsato muuqaalkeeda ayaa lagu sifeeyay isku day ay ku dooneyso inay ku hesho taageerada shacabka Muqdisho, waxaana warar xog ogaal ah Kaab TV u sheegeen in Shabaab ay la kulmeen odayaasha beelaha Muqdisho iyagoo kala hadlay.
“Muuqaalkaani waa muuqaal dacaayad oo loogu talagalay qorasho iyo soo jiidashada xubno cusub, kaas oo muujinaya in hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab aysan ahayn kuwo gaar ah ama mudnaan leh, balse ay la nool yihiin nolol la mid ah tan dagaalyahannada caadiga ah,” ayuu yiri Rashid Cabdi oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika.
Weerarkii Xabsiga Godka Jilicow
Waxyaabaha cusub ee muuqaalka ku jiray ayaa ah in Shabaabka weerarka fuliyay ay si toos ah u duubayeen intii uu socday weerarka, kaasoo ay la wadaagayeen bar dhexe oo si livestreaming ah u keydisay nuqullada clips ka.
Dagaalamayaasha weerarka ka fuliyay Godka Jilicow ayaa adeegsanayay dharka ciidanka NISA iyo baabuur noocda Toyota Pickup ah oo ay ku buufsan tahay calaamadda ‘NISA’, taasoo illaa hadda su’aalo ka taagan yihiin siday ku heleen.
Waxay khasaaraha weerarka xabsiga Godka Jilivow ku sheegeen 42 iyo dhaawacyo.
Waxay sheegteen in tiro maxaabiis ah ay ka siidaayeen xabsiga, walow qaarkood ay markii dambe ka barbar dagaalameen kooxdii weerarka fulisay.

