Al-Shabaab oo xalay muddo kooban qabsaday Balcad

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo ay ka soo bexeen ciidamo ku sugnaa iyo maleeshiyo beeleed, sida ay Kaab TV u sheegeen dadka deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa gudaha u galay degmada Balcad iyagoo qabsaday saldhigga booliska iyo bartamaha magaalada oo ay ku sugnaayeen muddo saacad ah ka hor intii aysan ka bixin.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in dagaal kooban uu ka dhacay saldhigga iyadoo askartii joogtayna ay iskaga carareen.

Maleshiyaadka Shabaab ayaa hiorey u joogay duleedka Balcad iyo waddada isku xirta Jowhar iyo Balcad oo ay maamulaan, gaadiidkana kaga qaadaan lacago isbaaro ah.

Balcad ayaa 38km u jirta magaalada Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowlada federaalka iyo maamulka Hirshabeelle oo ku aaddan in Al-Shabaab ay muddo kooban qabsadeen dibna uga bexeen degmada Balcad.

Weerarkan ay Al-Shabaab kula wareegeen waqti kooban degmada Balcad ayaa imaanaya iyadoo ciidamo tiro badan oo isugu jira kuwa Turkida tababareen iyo maleeshiyo beeleedyo loo daadgureeyay magaalada Baydhabo, halkaas oo toddobaadkii hore ay dowladda federaalka ka qabsatay maamulka Koonfur Galbeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News