Arday $40 milyan saacado uga dhacay Bangi ku yaalla Ethiopia

|

ADDIS ABABA (KAAB TV) – Bangiga ganacsiga ee ugu weyn Itoobiya ayaa ku dadaalaya inuu dib u soo ceshado lacago badan oo ay macaamiil arday u badan la baxeen ka dib markii ay “cilad ku timid nidaamka elektoroonkada ee bangiga”.

Macaamiishu oo u badan ardayda jaamacadaha waxay ogaadeen subaxnimadii hore ee Sabtida inay la bixi karaan lacag ka badan intii ugu jirtay akoonadooda bangiga ganacsiga ee Itoobiya (Commercial Bank of Ethiopia cCBE).

In ka badan $40m ayaa lagala baxay ama loo wareejiyay bangiyada kale, warbaahinta gudaha ayaa sheegtay.

Waxay ku qaadatay dhowr saacadood in Bangigu joojiyo dhammaan lacag la bixista akoonada.

Lacagtaas inteeda badan waxaa la baxay ardayda, sida uu madaxweynaha bangiga Abe Sano u sheegay suxufiyiinta Isniintii.

Ardayda ayaa la sheegay inay is gaarsiiyeen cilladda habeennimadii iyagoo si weyn u adeegsanaya fariimo ay isu dirayeen iyo taleefannada.

Safaf dhaadheer ayaa markiiba ka sameysmay ATM-yada jaamacadda, iyadoo arday ku sugan galbeedka Itoobiya uu sheegay in lacagta ay iskala baxayeen illaa ay askar booliis ahi soo galeen jaamacadda si ay u joojiyaan lacag la bixista.

Ardaygan oo dhigata Machadka Teknolojiyadda ee Jaamacadda Jimma, ayaa sheegay in “uu rumaysan waayay” illaa markii ay saaxiibbadii u sheegeen abbaare 01:00 xilliga maxalliga ah inay suurtogal tahay in lacag badan lagala baxo ATM-yada ama loo wareejin karo akoonno kale lacagta adoo isticmaalaya app-ka bangiga.

Arday kale, oo wax ka dhiga Jaamacadda Dilla ee koonfurta Itoobiya, ayaa sheegay in tiro ka mid ah asxaabtiisa ay lacag kala soo baxeen bangiga saqdii dhexe ee Sabtida.

In ka badan 38 milyan oo qof ayaa xisaabaadka ku leh Bangiga Ganacsiga Ethiopia, oo la aasaasay 82 sano ka hor.

Bangiga dhexe ee Itoobiya, oo maamula waaxda maaliyadda, ayaa soo saaray bayaan Axadii isagoo sheegay in “khalad” dhacay dartiis ay sababtay dhacdada xilli lagu jiray dayactirka iyo kormeerka nidaamka maaliyadda ee bangiga ganacsiga.

Bayaanka ma sheegin lacagta ay macaamiishu kala baxeen.

Mr Sano ma uusan si dhab ah u sheegin inta lacag ah ee lagala baxay dhacdadii Sabtidii, balse wuxuu sheegay in khasaaraha soo gaaray uu ahaa mid yar marka loo eego hantida guud ee bangiga.

Waxa uu sheegay in bangigu uusan ku dhicin weerar dhanka Internet-ka ah, isla markaana loo baahan yahay in macaamiishu aysan ka welwelin xisaabaadkooda gaarka ah.

Ugu yaraan saddex jaamacadood ayaa soo saaray qoraallo ay kula talinayaan ardaydooda inay soo celiyaan wixii lacag ah oo aanay iyagu lahayn oo laga yaabo inay ka qaateen bangiga.

Qof kasta oo soo celinaya lacag laguma soo oogi doono dambi, ayuu yiri Mr Sano.

Laakiin ma cadda sida ay ugu guulaysteen isku dayga bangiga ee dib u soo celinta lacagtooda ilaa hadda.

Arday ka mid ah Jaamacadda Jimma ayaa sheegay Isniintii in aanu maqal cid dib u soo celinaysa lacagtaas, balse waxa uu sheegay in uu arkay baabuur boolis ah oo jaamacadda dhex yaal.

Mas’uul ka tirsan jaamacadda Dilla ayaa sheegay in shaqaalaha bankiga ay ku sugan yihiin xarunta jaamacadda oo ay isku dayayaan inay soo ururiyaan lacago ay ardayda qaar lasoo bexeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News