Muqdisho (KAAB TV) – Booliska gobolka Banaadir ayaa xabsiga dhigay nin oday ah oo lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey Madaxaweyne Xassan Shiikh Maxamuud.
Sidoo kale, odaygan ayaa kasoo dhex muuqday muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada isagoo ku sugan meel suuq ah oo sida cod baahiye uu ku aflagadeeyey Madaxaweynaha.
“Xassan baahane waa dhergi waayey xitaa haddii uu gatay Qabuurihii, xaafada Seybiyaano, Kawaankii Bakaaraha iyo dhulal kale, sidaas awgeed waxaan u ururinayaa lacag sadaqo ah” ayuu ninkaas ku yiri hadalka uu ugu gefay Madaxweynaha.
Dhanka kale, Ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay iney ka badan tahay 60 sano jir ayaa dadka garanaya waxay sheegeen inuu yahay qof xanuunsan oo madaxa looga jiro, hadda ka horna magaalada wareegi jiray isagoo xiran dharka haweenka.

