Bulbul oo ku jiro afduub & Garsoore la horgeeyay maanta

|

Muqdisho (KAAB ) Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate – SJS mr. Mohamed Ibrahim Bulbul ayaa barqadii maanta loo kexeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, halkaasoo si la yaab leh ay boolisku u qirteen in qabashadiisu aysan u heyn wax sharci ah.

Waxay ku eedeeyeen taliska NISA inay u keeneen oo boolisku soo qabanin Bulbul.

Ka dib hoggaanka baarista CID ayaa maxkamadda ka codsadeen inay sii hayaan muddo 7 maalmood ah.

SJS ayaa ogaatay in shalay oo Jimce ahayd laga wareejiyay goobtii lagu hayeyee ahayd xarunta ciidanka CID, lana geeyay goob kale oo ah Saldhigga Booliska ee degmada Xamar Jajab.

Illaa hadda ma jirto eedeyn rasmi ah, heyntiisana looma helin wax fasax ah taasoo ka dhigeysa sii heyntiisa inay la mid tahay afduub weli sii socda.

Waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo afduubka sii socda ee Bulbul, loona oggolaado inuu qoyskiisa iyo shaqadiisa dib ugu laabto. Ma jirto wax dambi ah oo uu galay Bulbul.  #FreeBulbul

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News