LAASCAANOOD (KAAB TV) – Caaqil Abshir Cabdicasiis oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Sool, horeyna u soo noqday xildhibaan ayaa ku dhaliilay madaxda maamulka SSC-Khaatumo inay ka gaabiyeen hawlihii loo xil saaray.
Isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood, ayuu caaqil Abshir Cabdicasiis ku dhaliilay garaadada SSC-khaatumo inaysan weli awoodin inay dadkooda mideeyaan, wuxuuna tusaale u soo qaatay hadallo kasoo kala yeeray qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo dhaqanka.
“Waxaan u soo jeedinayaa siyaasiyiinta, hadday jiraan, oo ay saameyn leeyihiin, inay dadkooda la aragti noqdaan,” ayuu yiri Caaqil Abshir.
Wuxuu sheegay inay ahayd in maamulka SSC-Khaatumo ay ahayd inay wada hadal la furaan Puntland, sidoo kalana ay raadiyaan dadka Sanaag, iyo dadka ku nool gobollada Soomaalida Itoobiya oo xuduud kala dhexeyso.