Garowe (KAAB TV) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin ajnabi ah oo xiriir la leh Daacish kadib howlgal ay dhawaan ka sameeyeen buuraha gobolka Bari.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Cimraan Maxamed Calawi oo u dhashay dalka Zanzibaar ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta ee Puntland waxaana la sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha xagjirka ah ee ku sugan deegaankaasi.
Howlgalka oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan PSF-ta ayaa daba socda weerar lagu qaaday hoggaamiyaha Daacish C/qaadir Muumin.
saraakiisha PSF ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Calawi oo lagu qabtay buuraha ay ka howlgalaan Daacish uu horay labo dagaal kula galay Al-Shabaab.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab ee ka socda gobolka Bari.

