Ciidamada Badda Shiinaha oo howlgal ka sameeyay Biyaha Soomaaliya

|

Ciidamada Badda Shiinaha ayaa xeebaha Soomaaliya ka sameeyay dhoolatus ciidan oo looga hortagayo burcad-badeeda, xilli xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ay mar kale ka soo cusboonaadeen weerarrada iyo afduubka maraakiibta.Somalia travel guide

Dhoolatuskan waxaa fuliyay Guutada 49-aad ee Ciidamada Badda Shiinaha, waxaana lagu tijaabiyay awoodda ciidamada ee ka jawaabista degdegga ah marka markab la afduubo.

Ciidamada ayaa soo bandhigay xirfadooda baaritaan, qabashada burcad-badeedda iyo badbaadinta shaqaalaha markabka.

Dhoolatuskan ayaa ku soo beegmaya xilli falalka burcad-badeednimada ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ay si muuqata u kordheen bilihii u dambeeyay.

17-kii Agoosto, markabka MV LUTUF ayaa lagu qafaashay xeebaha Puntland, halka 20-kii Agoosto markab shidaal oo lagu magacaabo Sibu 1 lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Yemen, iyadoo la sheegay in loo weeciyay dhanka Soomaaliya.

Ciidamada Badda Shiinaha ayaa tan iyo 2008 si joogto ah u sameynayay howlgallo ilaalinta maraakiibta iyo la-dagaallanka burcad-badeednimada ee gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News