Gaalkacyo (KAAB TV) –Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay labo ruux oo lagu eedeeyay in ay gawaari xadeen. Labada eedaysane ayaa gacanta lagu dhigay xilli ay dhac u geysanayeen gaari noociisu yahay Probox DQ528.
Labada ruux ee la qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay C/raxmaan C/qaadir Maxamuud oo ay dhashay Ubax Axmed iyo Xasan Carabey Muuse oo ay dhashay Saynab Cabdiqaadir. Labada eedaysane ayaa hadda ku jira gacanta booliska.
Eedeysanayaasha ayaa la sheegay in Gaariga ay ka soo xadeen Magaalada Gaalkacyo, waxaana durbadiiba soo gaaray Ciidamada Booliska Gobolka Mudug. Markii xogta gaarigan lala wadaagay Saldhigyada Booliska Gaalkacyo, ayaa waxay islamarkiiba gacanta ku dhigeen xaafadda Garsoor, gaar ahaan Saldhiga Galbeed ee Warshad Galey.
“Ciidanka Booliska Gobolka Mudug markii ay heleen xogta gaariga la soo xaday, waxay la wadaageen Saldhiga Booliska ee Magaalada Gaalkacyo. Waxaa laga soo qabtay xaafadda Garsoor, gaar ahaan Saldhigga Galbeed ee Warshada Galey, eedaysane Cabdi Raxmaan C/qaadir Maxamuud iyo Xasan Carabey Muuse ayaa hadda ku xiran xabsiga, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan”. ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Booliska Puntland.
Ciidamada Booliska Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, waxaana lagu soo qabtay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa 4 maxbuus oo ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo, kuwaas oo ahaa dambiilayaal dil sugayay, waxaana la sheegay in uu ka tirsan yahay shabakad Argagixiso oo ku xiran magaalada Gaalkacyo. Gaalkacayo oo horay loogu dilay madax badan oo gobolka ka tirsan.

