XUDUR (KAAB TV) -Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay isbaarooyin ay Al-Shabaab u dhigeen dadka ku nool dhulka miyiga ah ee hoos yimaada magaalada Xudur ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Intii uu socday howlgallada adag ee qorsheysan ayaa ciidamadu waxa ay soo furteen gaadiid ay kooxdaasi haysteen.
Howlgallada culus ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka socda gobollada dalka oo ay iska kaashanayaan dowladda, saaxiibada caalamiga ah ee dhanka ammaanka iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawisley oo ka xoreynaya deegaanno dhowr ah.
Howlgalladan oo ah kuwo xooggan ayaa qeyb ka ah howlgallada adag ee ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo maalmahan ka socday inta badan gobollada dalka, kaasi oo la doonayo in kooxdaasi looga sifeeyo guud ahaan dalka.
Ololahan wadajirka ah ayaa Al-Shabaab looga saaray dhul badan oo dalka ka mid ah, iyadoo dib loo soo celiyay joogitaanka dowladda ee gobollada ay Al-Shabaab ka talinayeen tobaneeyo sano iyo ka badan.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa shalay muddo kordhin u sameeyay Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaadhka ah ee Somalia ilaa dhammaadka sannadkan.

