KISMAAYO (KAAB TV) -Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay xoreeyaan deegaanka Istiraatiijiga ah ee Filfiile ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim u ah dadaallada socda ee lagu baabi’inayo saameynta ay kooxda ku leedahay gobolka.
Deegaanka Filfile oo ku yaalla waqooyiga magaalada Buulaxaji ayaa xarun muhiim ah u ahayd Al-Shabaab, waxaana ay u ahayd xudunta xatooyada xoolaha, waxaana ay siin jirtay xarumo muhiim u ah maleeshiyada. Xoraynta aaggu waxay ka dhigan tahay dharbaaxo la taaban karo oo ku wajahan awoodda kooxda si ay ugu sii jirto hawlaha sharci darrada ah.
Saraakiisha howlgalka ka qeyb qaatay oo la hadlay warbaahinta ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay guushani leedahay, waxaana ay ballan qaadeen in ay sii wadayaan dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab.
Waxay soo bandhigeen howlgallada ka socda magaalo xeebeedka Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland, taasoo qeyb ka ah istaraatiijiyaddooda lagu wiiqayo joogitaanka kooxda ee deegaanka.
Xoreynta deegaanka Filfiile ayaa qeyb ka ah wejigii labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaasi oo ku sii qul qulaya deegaanada Jubbooyinka oo ay Shabaabku ku xoogan yihiin.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa wadeen howlgallo xooggan oo lagu burburinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee kooxdan, islamarkaana lagu carqaladeynayo weerarada.
Iyadoo uu sii socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xoreynta deegaanka Filfiil ayaa waxa ay marqaati ka tahay go’aanka iyo adkeysiga ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxaha xagjirka ah.
Guushu maaha oo kaliya inay ka dhigan tahay faa’iido istiraatijiyadeed ee waxay sidoo kale u adeegtaa iftiin rajo ah dadka deegaanka, kuwaas oo muddo dheer ku dhibtooday xukunkii dulmiga ahaa ee kooxda.

