Ciidamo cusub oo gaaray duleedka Baydhabo+Sawirro

|

Duleedka magaalada Baydhabo waxaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq ciidan iyo diyaar-garow dagaal, iyadoo ciidamo cusub oo taageersan maamulka Koonfur Galbeed ay gaareen goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Madaxweynihii xilika laga ceyriyay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Ciidamadan cusub ayaa la sheegay inay kasoo baxeen magaalada Doolow, waxaana tiradooda lagu qiyaasayaa boqolaal askari. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamadu ay ku biireen ciidamada ku sugan duleedyada Baydhabo, halkaas oo laga dareemayo abaabul iyo diyaar-garow ciidan.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Laftagareen, oo ay ka mid yihiin Wasiirkii Amniga, afhayeenka maamulka iyo xildhibaano dhawaan ku biiray howlgalka, ayaa ciidanka kula hadlay furimaha hore, iyagoo ka hadlay xaaladda magaalada iyo diyaar-garowga socda.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale sheegaya in dhufeysyo cusub laga qoday gudaha iyo hareeraha magaalada, iyadoo ciidamada labada dhinac ay kordhinayaan feejignaanta.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa ciidamadu uu sii xoogeysanayo, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin waqtiga uu bilaaban karo dagaal ballaaran.

Qaar ka mid ah saraakiisha taageersan Laftagareen ayaa hadallo ay jeediyeen ku sheegay in ciidamada maamulka ay diyaar u yihiin inay wajahaan cid kasta oo isku dayda inay xoog kula wareegto magaalada.

Soo gaarista ciidamadan cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli muddooyinkii dambe ay Baydhabo ka jireen xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni.

Ciidamada cusub ayaa la sheegay inay xoojinayaan furimaha ku yaalla duleedyada magaalada, iyadoo dhinaca kale ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan dhinacyada isku haya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed.

DHEERAAD:  WARKA CAAWA EE KAAB TV 25 04 2026

Lama oga waqtiga uu maamulka Laftagareen bixin doono amar ku saabsan weerar ama tallaabo militari oo ka dhan ah magaalada, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo isu-gurasho.

Xaaladda ayaa walaac ku abuurtay shacabka ku nool Baydhabo, gaar ahaan iyadoo magaalada ay weli ku jiraan dad rayid ah oo aan awood u lahayn inay ka baxaan goobaha haddii uu dagaal ka qarxo.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in dagaal ka dhaca magaalada uu sababi karo dhimasho, dhaawac iyo barakac hor leh, iyadoo Baydhabo ay horey u martay xaalado amni oo adag.

Qoysaska qaar ayaa la sheegay inay bilaabeen inay ka taxaddaraan dhaqdhaqaaqyada ciidanka, halka ganacsatada iyo dadka kale ee magaalada ay isha ku hayaan halka ay xaaladdu ku dambeyn doonto.

Dhanka kale, wararka laga helayo siyaasadda Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in garabka uu hoggaamiyo , Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, uu wada dadaallo lagu xoojinayo dhinaciisa siyaasadeed iyo maamulkiisa.

Arrintan ayaa timid xilli ay muuqato in labada dhinac ay isku diyaarinayaan loollan siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo aan weli la ogeyn in khilaafku ku dhammaan doono wada-hadal siyaasadeed iyo in uu isu beddeli doono iska horimaad hubeysan.

May be an image of one or more people

May be an image of one or more people

May be an image of one or more people

May be an image of one or more people and text

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News