MUQDISHO (Kaab TV) – Sida ay noo sheegeen dadka deegaanka, waxaa xero ku taalla duleedka galbeed ee Baydhabo la isugu geeyay maleeshiyaadka beelo ka tirsan kuwa Muqdisho oo ay wehlinayaan ciidanka Gorgor ee dhowaan qabsaday Baydhabo, halkaas oo sida la sheegay ay ku sugayaan maleeshiyaad kale oo kaga soo biiri doona dhanka Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqti xileedkiisu ka harsan tahay 38 maalmood ayaa la sheegayaa inuu hadda diyaarinayo duullaan kale oo uu ku qaadi doono gobolka Gedo oo ka tirsan Jubaland, halkaas oo la qorsheynaayo in Villa Soomaaliya ay ka hirgaliso doorasho ay goonigeeda u wadato.
Xeradan lagu ururinaayo mleeshiyaadka iyo ciidanka Gorgor ayaa ku taalla wadadda u baxda Bardaale ee dhanka galbeed ee Baydhabo.
Maleeshiyaadka jooga Baydhabo ayaa wata hub iyo gaadiid ay bixiyeen dowladaha Turkey iyo Masar.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa toddobaadkii hore isaga baxay magaalada Baydhabo ka dib markii laga gacan maroojiyay magaalada oo ahayd xarunta maamulka Koonfur Galbeed ku shaqeynaayay muddo ka badan 14 sano.
DUULAANKA GEDO
Ilo xog ogaal ah ayaa Kaab TV u sheegay in qorshaha Villa Soomaaliya uu yahay in gobolka Gedo dhammaantiis laga saaro gacanta maamulka Jubaland, gaar ahaan degmada Doolow oo ay hadda Jubaland ka taliso.
Ilo wareedyada ayaa intaa ku daray in qorshaha Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay in ka hor 20ka Abriil lagu soo afjaro qabashada gobolka Gedo iyo hirgalinta doorashada deg degga ah.
Waxay wararka sheegayaan in dhaqdhaqaaq uu ka jiro dhanka degmada doolow oo ay joogaan maamul iyo ciidamo taabacsan kuwa Jubaland.
Sidoo kale ilo ku sugan Kismaayo ayaa Kaab TV u sheegay in Jubaland ay diyaargarow ciidan ka waddo gobolka Jubbada Hoose oo ah meesha ugu badan ee ay hadda Jubaland ka taliso.
Marka laga reebo deegaano kooban oo ka tirsan Jubada Hoose, iyo degmada Doolow ee gobolka Gedo, deegaanada kale ee Jubaland waxaa ka taliya kooxda Al-Shabaab halka degmooyinka Luuq, Gaerbahaarey iyo Beledxaawo horey looga qabsaday Jubaland ayna joogaan maleeshiyo beeleed gacansaar la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya.

