Dab ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) -Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xooggan oo ka kacay Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa muddo saacado ku faafaya gudaha Suuqa, waxaana la soo warinaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dabka ayaa ka kacay qeybta maacuunta ee Suuq Bacaad wuxuuna ku fiday qeybaha ee la deriska ah qaarkood sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah lamana oga waxa sababay.

“Dabku waxaa uu qabsaday qeybta Maacuunta ee Suuqa kaasoo gebi ahaan ama intiisa badan basbeelay” ayuu yiri goob jooge ka mid ah dadkii halkaas u gurmaday.

Nin aabe ah ayaa ku ku baroonayey inuusan nolol iyo geeri ku heynin gabar yar oo uu dhalay taasoo loo malaynayo iney dabkaas ku baxday, gurmad xoog leh ayaana soconaya.

Xaalada Suuq bacaad ayaa haatan kacsan lamana oga weli tirakoobka hantida ku gubatay qeybaha basbeelay,

Suuq Bacaad ayaa ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa 30kii sano ee la soo dhaafay gubtay marar badan kuwaasoo geystay khasaarooyin malaayiin dollar gaaraya.

Dab-damiska iyo laamaha amniga ayaa ku sugan goobta, iyada oo xaaladda lala tacaalayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News