Mogadishu (KAAB TV) – Faafaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay kooxo hubeysan xalay ka geysteen degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, kaasi oo ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen rag bastoolado ku hubeysan.
Marxuumka la dilay oo la sheegay in kooxaha hubeysan ay bartilmaansadeen ayaa lagu magacaabi jiray Muqtaar Nuur Geeseey. Geeseey ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee deegaanka Lafoole, oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan warar hoose.
Marxuumka ayaa la sheegay in lagu dilay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkeynley, kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen, isla markaana uu isla goobta ku geeriyooday.
Ciidamada ammaanka oo tagay goobta uu dilka ka dhacay, ayaa meydka marxuumka ka qaaday Xarunta dambi baarista, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Kooxihii dilka geystay ayaa isla markiiba ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda Federaalka oo ku aadan dilkaasi.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada saraakiisha iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee deegaanka Lafoole.
Dilkan ayaa qeyb ka ah dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay caasimadda, waxaana hadda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa si weyn looga dareemaya howlgalo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, kuwaasi oo ay fulinayaan ciidamada ammaanka, iyadoo la raacayo qorshaha dowladda maadaama Madaxweyne Maxamuud uu muhiimadda koowaad ka lahaa dowladdiisa, waxaana isbedel muuqda uu yimid markii saraakiisha Booliska Milateriga loo qeybiyay inta badan. Isbaarooyinka laga soo galo caasimadda iyo caasimadda ayaa laga dareemay isbedel weyn oo dhanka ammaanka ah.

