Dagaal xooggan ayaa saakay aroortii ka billowday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo iska horimaadyo culus ay ka socdaan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in dagaalka ay soo qaadeen ciidamo taageersan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyadoo magaalada laga maqlayo dhawaqa rasaas iyo hub culus.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa u sheegay Kaab TV in dagaalka uu yahay mid xooggan, isla markaana uu saameeyay dhaq-dhaqaaqii caadiga ahaa ee dadka iyo gaadiidka. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay guryahooda ku nagaadeen, iyagoo ka cabsi qaba in rasaasta iyo madaafiicdu ay gaaraan goobaha ay shacabka ku nool yihiin.
Xaaladda ayaa ah mid weli kacsan, waxaana dadka deegaanka ay ku jiraan xaalad cabsi iyo walaac ah, maadaama dagaalku aanu weli si rasmi ah u istaagin.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Baydhabo ay muddooyinkii u dambeeyay ahayd goob ay ka jireen xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni.
Is-mariwaaga siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa marar kala duwan sababay in magaalada la geeyo ciidamo dheeraad ah, iyadoo dhinacyada siyaasadda isku haya ay kala aragti duwan yihiin mustaqbalka maamulka iyo arrimaha doorashooyinka.
Xiisadahaasi waxay sare u qaadeen walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo iska horimaad hubeysan oo gudaha magaalada ka dhaca.
Dagaal ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo wuxuu si gaar ah khatar ugu yahay shacabka, maadaama xaafadaha ay ku nool yihiin dad badan oo aan awood u lahayn inay si fudud uga baxaan goobaha dagaalka.
Qoysas badan ayaa lagu qasbi karaa inay guryahooda ku nagaadaan, halka qaar kalena ay isku dayi karaan inay u guuraan goobaha ay u arkaan inay ka ammaan badan yihiin.
Dhaqdhaqaaqa ganacsiga, gaadiidka iyo adeegyada bulshada ayaa sidoo kale halis ugu jira inuu hakad galo haddii dagaalku sii dheeraado.
Indhaha shacabka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa hadda ku sii jeeda Baydhabo, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka uu sii xoogaysto ama uu ku fido qeybo kale oo magaalada ah.

