Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

|

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo u dhaxeeya ciidanka Federaalka iyo kuwa TPLF oo muddo halkaas isku hor fadhiyay balse maalmihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqa ciidan xoojiyay.

Lama hayo diiwaanka khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo xooggiisa shalay ka dhacay Deegaanno dhowr ah oo xiga dhinaca Xadka Suudaan, waxaana halkaasi la sheegay in ay ku badan yihiin dadka ka barakacay colaadda Tigray.

Itoobiya waxa ay kamid tahay Dalalka inta badan aadka u xadida Baraha Bulshada waana tan keentay in la ogaado macluumaadka la xiriira dagaalladaas socda, waxaana labada dhinac ay wadaan abaabul xooggan oo awooddooda ku kala xoojinayaan.

Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa xoogga saaraysa inay soo afjaro awoodda Militari ee Tigray oo muddo dhowr sano ah hortaagan, halka Ismaamulkaas uu doonayo sidii uu u kala dhantaali lahaa awoodda ciidanka Federaalka ee Waqooyiga Dalkaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News