DAMACA Laftagareen & Loolanka mucaaradka KGS | WARBXIN .

|

Muqdisho (KAAB )- Dib u soo laabashada Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi DENI ayaa damac galisay madaxda maamul goboleedyada dalka kuwaas oo qaaday talaabooyinka ay ku doonayeen sidii dib ay ugu soo laaban lahayeen.

Qorshaha dib u soo laabashada madaxda maamul goboleedyada meelaha sida aadka ah dhaq dhaqaaqooda loogu dareemayo waxaa ka mid ah magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Madaxwaynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegayaa inuu ku howlan yahay Olole ah in wax laga bedelo Dastuurka Koonfgur Galbeed , taas oo la leeyahay waxay sahli kartaa inuu dib u soo laabto.

In wax laga bedelo Dastuurka ayaa la saadaalinayaa inay ka dhalan karto boob dhanka dooarshada ah waa sida ay sheegayaan , falaqeyayaasha siyaasadda ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Xubnaha – mucaaradka ah ee deegaanada maamulka koonfur Galbeed ayaa ku sugan caasimada kuwaas oo si joogta ah u qabanaya shirar ay uga hadlayaan damaca Laftagareen ee maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka koonfur Galbeed ayaa doonaya inuu ku milmo oo kala jabiyo xubnaha mucaaradka ah ee waxaana jira dhawr siyaasi oo dhanka Cabdicasiis Laftagareen maray taasna shaki badan ayaa la leeyahay .

Maalmo ka hor waxaa soo baxayay warka ah khikaafka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Laftagareen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News