Baledweyne (KAAB TV)- Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo aad uga xumaaday fal-dambiyeedka rabshadaha wata ee ku soo batay iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan maamullada iska soo horjeeda ayaa sameystay ciidamo madani ah oo ilaaliya xaafadaha ay ku nool yihiin, taasi oo muujineysa amni darada ku soo korortay magaalada baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.
Mudooyinkii u dambeeyay waxaa magaalada Beledweyne ku soo badanayay falal lidi ku ah dhanka ammaanka iyadoo ay sii kordhayaan falalka dhaca iyo dilalka ah.
Xasilooni darrada ayaa qeyb ka ah loolanka awoodeed ee u dhaxeeya Hiiraan State iyo Hirshabeelle oo ah labo maamul oo isku haya maamulka gobolka hiiraan.
Jahwareerkan siyaasadeed ayaa abuuray habacsanaan dhanka amniga ah oo dambiilayaal ay ka faa’iideysteen taasoo keentay in dadka deegaanku ay arrimahooda gacanta ku dhigaan.
hadal haynta ugu badan ee dadka deegaanka ayaa ahaa dilkii 12-kii August 2024-ka loo geystay Madeer Ibraahim Xasan oo ahaa ganacsade dhalinyaro ah.
Madeer Ibraahim Xasan ayaa lagu dhex toogtay dukaankiisa oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee magaalada baladweyne waxaana dilkiisa ka dambeeyay saddex nin oo hubeysan oo dhac u geystay bakhaarkiisa kaddibna goobta ka baxsaday In kasta oo ay si degdeg ah uga jawaabeen ciidamada ammaanka .
kooxihii dilka geystay ayaa weli baxsad ah iyagoo hoosta ka xariiqay caqabadaha ay kala kulmaan mas’uuliyiinta rasmiga ah ee ku aaddan ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.
Labo habeen ka hor ayaa waxaa magaalada baladwene lagu dilayb guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee magaalada Beledweyne Cabdisahal Shuuriye Xuseen .
Iyagoo ka jawaabaya dilalkaas dadka deggan xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako waxay abaabuleen roondo rayid ah oo ay ugu horreeyaan dhallinyarada si looga hortago dembiilayaasha hubeysan. Kooxahan ayaa xilliyada habeenkii gaaf-wareega waddooyinka iyaga oo ujeeddadoodu tahay in ay difaacaan bulshadooda oo ay ka gaabiyeen tallaabooyinka rasmiga ah ee ammaanka.
“Askar dowladeed ma nihin; waxaan nahay muwaadiniin caadi ah oo hubka qaatay,” ayuu yiri Daahir Cismaan Guuleed oo ah madaxa dhalinyarada xaafada Kooshin. “Waxaan hubineynaa qof kasta oo aan aqoon u lahayn soo galaya xaafadeena.
Dhawr habeen ayaanu la kulanay tuugo oo aanu si guul ah u soo saarnay Alxamdulilaah tuugadu inta badan waxay yimaadaan keligood ama labo-labo, laakiin waxaan nahay koox ugu yaraan 10 ah.
Dhismaha ciidamadan madaniga ah ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka deegaanka kuwaasi oo in muddo ah dareemayay in laga tagayo hay’adaha ammaanka.
Hindisaha ayaa durba horseeday horumar la dareemi karo oo dhanka ammaanka ah oo laga dareemayo xaafadaha ay dhibaatadu ka dhacday taasoo keentay in dad badan oo naftooda iyo maalkooda u baqay.

